Masuulkii Sadexaad Oo Iska Casilay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi

43
5022

Burco (HWN) Agaasimihii Guud ee wasaaradda caddaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa iska casilay xilkii uu Hayay.

Agaasimaha oo kamid ahaa wafdigii madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wehelinaya safarka uu ku marayo gobolada bariga Somaliland ayaa is-casilaadiisa kaga dhawaaqay magaalada Burco.

Agaasimaha ayay wararku sheegayaan In iscasilaadiisu ka dambaysay kadib Cadaalad daro uu katirsaday Xukuumada.

is casilaada masuulkan ka tirsanaa xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa timid ka dib markii uu sheegay in laga hor istaagay inuu ka hadlo xafladii lagu furayey jeelka weyn ee magaalada Burco, kaas oo saaka si rasmi ah madaxweynuhu xadhiga uga jaray.

agaasimaha wasaarada cadaalada ee is casilay ayaa noqonaya masuulkii sadexaad ee iskaga taga xil uu ka hayo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here