“Masiibo Iyo Xaaluf Ayay Xukuumadii Hore Ku Samaysay Hantida Qaranka”

0
1405

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay inay daacad ka noqoto ilaalinta iyo soo celinta hantida umadda.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Masiibo iyo xaaluf la xaalufinayo hantida umadda ayaa dhacay Xukuumaddii hore, markii ay taladda dalka haysay, laakiin weyba dadaaleen dadka reer Berbera, haddii aan lagu dul iibin ama iyagu aanay iibsan Guriyihii Dawladda ee ay ku jireen, sidii Hargeysa ka dhacday, laakiin in hantida umadda la soo celiyaa waa waajib, in laga kirayaana waa wax meesha yaala, laakiin waa dad danyar ah, oo waliba dadalaay madaama aanay iibinin hantidii umadda ee ay ku jireen, in guriyo loo dhisaana waa wax meesha yaala, Guriyihii ugu badnaa ee ay Dawladdu lahayd ayaa Berbera ku yaalay, dhammaan dadkaasina kama wada bixi karaan guriyaha, mana wada awoodi karaan inay kiro iska bixiyaan, ee waa in xuquuqdooda hoos loo eega, oo Xukuumaddu ama Hay’addo ha la kaashato ama meel kale wax ha uga doonto ee Guriyo ha u dhisto dadkaas danyarta ah”.

Mar uu ka hadlaayey hantida qaranka ee la lunsaday ee aan la soo celin iyo kuwa kirada ahaa ee gacanta dawladda dib loogu soo celiyey ayaa yidhi “Ninkan ku jiray Khayriyada kiro ayuu ugu jiray, oo lacag ayuu bixin jiray, oo muu yeelan, ee in qof kiro ka bixiya hantida dawladda ee uu ku jiro in laga saaro, cid hantida umadda si toos ah u qaadatayna in laga soo celin waaya waa cadaalad daro weyn, ee cadaalada oo dhamaytrisan ALLE oo qudha ayaa laga halaa, ee Madaxweyne soo celinta ilaalinta umadda ee Xukuumaddaadu ha noqoto mid wada taabata  masaakiinta iyo maalqabeenka, ee masaakiintu yaanay noqon kuwa mar walba dhibanayaala, cid kasta oo hantida umadda qaadatay ama ku takrifashay waa inaad dib ugu soo celisaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here