Majaraha Aqoonsiga Somaliland: Fal-galka Gudaha iyo Fal-celinta Dibadda

54
5132

Sida cilmiga dabiicigu (Natural Science) uu u leeyahay qawaaniintiisa u gaarka ah ayaa cilmiga bulshada iyo Siyaasaduna u leeyahay qawaaniin u gaara. Qaanuun ka mid ah kuwa ugu saamaynta weyn xagga dhismaha nolosha bulshada waa kan ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya fal-galka gudaha iyo kan dibedda (Internal and External Dynamics). Taariikhda dhismaha dawladda (State Formation in history) fal-galka gudaha ayaa weligii iyo waaqii ahaan jirey aasaaska iyo gundhigga uu ka unkamo arrinka isbiirsiga hantida iyo koritaanka dawladnimadu. Labadan arrimood oo ah laba xaaladood oo isgarab socda, halkaas oo horumarka ilbaxnimda Aadamhu ka sii hanaqaaday.

Fal-galka dibedda ama ficilka dibedda ka yimaada kaalintiisu waxay ku koobantahay kaalmaynta ama dhibaataynta fal-galka gudaha iyo sido kale kaalmaynta ama dhibaataynta horumarka fal-galka guduhu soo hooyo. Haddii Fal-galka guduhu ka baaqdo gudashada xilkiisa ama xagal-daac ku dhaco kaalmada fal-galka dibeddu taaba-gal ma noqon karo. Tusaalaha ugu muuqa dheer leh ee arrinkan ku saabsani  waa kan la xidhiidha xaaladaha dalalka dibedda laga soo farageliyo, halkaass oo Fal-galka dibeddu la wareego awoodda dalka dibedda laga soo farageliyo oo kaalinta dibeddu ka gacan sarrayso waxqabadka gudaha.

Dalalkaas oo kale Fal-galka dibedda ayaa ragaadiya kan gudaha kuna abuura cudurro ay ka mid yihiin Isdhigasho, Isku-hallayn shisheeye, musuq-maasuq, iyo dilaaliinta dibedda ka yimaadda oo dalkaas ka dhigaan xarun dillaalka dibedda iyo mallaalka guduhu ka taliyaan. Cudurradaas oo ugu dambaynta sabab u noqda luminta gebi ahaanba qaddiyadii dalka ayaga oo mariiqa ka siiba dhaqankiisa oo dhalan rogaya nuxurkiisa ummadnimo. Halkaas oo Ka dib wax walba laga sugo maskaxda iyo gacanta shisheeyaha, hadday tahay difaac qaranka iyo hadday tahay kharashka dawladda lagu wadayo intaba. Halka waddamada fal-galka gudahoodu yahay mid dadkoodu maamulkiisa iyo go’aankiisa leeyahay fal-galka guduhu yahay mid midho dhal ah.

Qaanuunkan kor ku xusani waxu caddaynaya in qaddiyada dawladnimo dhiska (State Formation) iyo horumarinteeda joogtaysani u baahan tahay in si joogtaysan oo qorshaysan loo hormariyo, awoodda fal-galka gudaha ee dhinacyada fekerka siyaasadda, dhinaca xirfadda iyo akhlaaqda dadka. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dalku leeyahay Caqiido Siyaasadeed oo ku dhisan Dimoqoraadiyad iyo caddaalad (national Creed).

Jiritaanka Caqiido waddani ah oo dimoqoraadi ah (a set of political and morality principles) iyo dhaqan dadnimo oo si mugle u danaynaya waxa kulmiya ummdda dalka ku wada nool una jihaynaya xagga adduun-arag guud oo ka korreeya fekradaha xagjirnimada qabiilka iyo diinta oo u taagan astaan guud oo lagu wada hiran karo oo kalsooni ku abuuri karta ummadda dhexdeeda bediilna u noqon karta aragtiyaha qabiilka, qiirada reernimada iyo dhaqamada la xidiidha ee ka horimaanaya qaab-noleleedka dawladnimada iyo danta guud.

Jiritaanka caqiido waddani ah waxaa furahe u ah xaqiijinta habdhaqan lagu hirto iyo dhawrsanaan tusale u noqda dadweynaha dalka oo  hormoodka bulshada lagu tallaalo sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka, culimada diinta iyo hogaamiye dhaqameedka bulshada Rayidka oo nuxurka qofnimada iyo isu-miisaanaanta caqliga iyo caadifada, iyo dhammaystirkood ku yimaadda aqoonta iyo waayo-aragnimada nolosha laga kasbado

……….. La soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here