“Madaxweynuhu Waa Nin Wada Tashi Ogol, Isagoo Aan Xilkii Wali La Wareegin Ayuu Noo Yeedhay”

32
4120

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu cadaalada ilaaliyo, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu yahay Madaxweyne wada tashi ogol, isagoo ku booriyey inuu umadda wax u qabto.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey Xukuumad kooban oo tayo wacan leh, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay cadaalada ha ilaaliyo, Madaxweynaha kii doortay iyo kii aan dooranba waa u Madaxweyne, waxaana umadda kula talinayaa in Madaxweynaha la soo dhaweeyo, Madaxweynuhu waa Madaxweyne wada tashi ogol, isagoo aan xilkii wali la wareegin buu noo yeedhay, isagoo xilka la wareegana waxaanu ka filaynaa inuu halkaas ka sii kordhiyo’.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi ‘Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu Wasiiraddii yareeyo, oo uu aad u yareeyo, oo walibana Wasaaraddaha uu isku soo koobo, si kharash badan oo ku bixi lahaa Wasaaraddaha badan uu Dawladda ugu baaqdo’.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey sicir bararka iyo maceeshada ayaa yidhi ‘Maceeshadeena qaaliga noqotay iyo sicir bararka danyarteena haysta waxa u sabab ah Ganacstada, markaas Madaxweynaha waxa la gudboon inuu la shiro, oo sidii wax looga qaban lahaa, xalkeeda keeno.

Suldaanka guud mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Beesha Caalamka iyo Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi ‘Waa in xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka la sii kordhiyaa, lana sii horumariyaa, gaar ahaan Wadamada aynu jaarka nahay, sida Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, oo runtii Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya, waa ninka kaliya ee ina caawiyey, wakhtigii abaaraha, oo baad iyo biyaba, meelaha fog fog ee lagu abaarsaday dadkeena uu u keenay, markaas inuu wax la qabsado ayaan Madaxweyne Muuse Biixi kula talinayaa’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here