“Madaxweynuhu Mudnaan Ayuu Doonayaa Inuu Siiyo Waxbarashada”

26
3245

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi ka go’an tahay inuu tayeeyo Waxbarashada dalka, isla markaana dhaqaale iyo wax walba u huro.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale fariin u diray Waalidka, waxaanu ugu baaqay inay mar walba la socdaan xaalada Waxbarasho ee ubadkooda, waxaanu ugu horeyn uu yidhi“Madaxweynuhu aad buu u danaynayaa inuu guud ahaan Waxbarashada wax weyn ka bedelo,oo tayeeyo,oo dhaqaale iyo wax kasta oo ku bixi karayana inuu u sameeyo, Madaxweynuhu mudnaan ayuu doonayaa inuu siiyo Waxbarashada oo dhaqaale iyo wax walba uu u huro, haddii ay tahay Macalimiinta, haddii ay tahay buugaagta iyo qalabka wax lagu barto, haddii ay tahay xaalada dugsiyada iyo dhismayaashooda, in aanu dib u soo noolayno xaalada Waxbarasho ee dalkana wey naga go’an tahay, Xukuumadduna hawlahoodii bay isku dabo ridaysa, Miisaaniyadi ibay sameeynaysaa, horumarka dalka iyo wixii ay u qoondayn lahayd bay  taladdeeda ku jirtaa”.

Wasiir Faratoon ayaa mar uu ka hadlaayey Waalidka ayaa yidhi “Wey naga go’an tahay in Waxbarashada horumarino, ee waalidka waxaan ku dhiirigalinayaa inay nagala qayb qaatan, oo Dawladdu kaligeed kama bixi karto in wax walba qabato, ee Waalidka waxaan leeyahay Caruurtiina waxbarashadooda mar walba ka war haya, oo horumarkooda ku dadaala, oo Waalidka si midaysan iyo si deegaan deegan ahba waxaan ku boorinayaa in xaalada Waxbarasho ee ubadkooda ka war hayaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here