Madaxweyne Siilaanyo Oo Taliye Fadal U Dalacsiiyay Sareeye Gaas

30
3071

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa taliyaha ciidamada Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan u dalacsiiyay darajada sareeye Gaas.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu taliye fadal dalacsiiyay ka dib markii uu arkay dedaalkiisa shaqo iyo sidii uu Boolisku uga qayb qaatay xoojinta ammaanka mudadii lagu gudo jiray hawlihii doorashada madaxtooyada iyo guud ahaan sugidda ammaanka dalka.

Taliyaha ciidanka Booliska, ayaa hore u ahaa sareeye guuto, waxaanu hadda noqday sareeye gaas, darajadaas oo uu hore u haystay oo keliya taliyaha ciidamada qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa waxa hadda soo labeeyay Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here