Madaxweyne Farmaajo Oo Imaaraadka Carabta U Tagaya Socdaal Iyo Saldhiga Berbera Oo Ah Mawduuca Ugu Weyn Ee Uu Ka Hadalkiisa U Baxayo

0
529

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dawladda Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inuu maanta dalka Imaaraadka Carabta ku tago martiqaad rasmi ah oo ay dawladaasi u soo dirtay.

Mr. Farmaajo, ayaa wuxuu ku tagayaa dalkaasa diyaarad gaar ah oo loogu soo dirayo magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeya oo shalay dalkaas tagay wasiirkiisa arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo gogol xaadh u sii samaynaya.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Somaliya uu madaxda dalkaas kala hadli doono dekedda Berbera iyo weliba saldhiga Imaaraadka Carabta ay dawladda Somaliland ka siisay Berbera.

Sidoo kale heshiiska dhawaan dhex maray Imaaraadka Carabta iyo Puntland ee ku saabsan dekedda Boosaaso ayay iyadana ka wada hadli doonaan.

Balse Sida ay xogahani sheegeen Madaxweynaha Somaliya wuxuu culayska saari doonaa arrinta saldhiga Berbera. Lama oga jawaabta ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka bixin doonto, laakiin wararkan ayaa intaas ku daraya in dawladda Imaaraadku Madaxweyne Farmaajo ku wargelin doonto heshiis la filayo inay dhawaan al galaan madaxweynaha Jubaland Sheekh Axmed Madoobe oo ku saabsan dekedda Kismaayo.