Madaxweyne Biixi Oo Xalay Gaadhay Dalka UAE, Faysal Cali Waraabe Oo Weheliya Iyo Cabdiraxmaan-Cirr Oo Ka Cudur-daartay Inuu Safarkiisa Qayb Ka Noqdo

51
3404

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay fiidkii gaadhay dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii isagoo hoggaaminaya wefti uu shalay ka ambo-baxay magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale  Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo  ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarar khaas ah oo Dalkaas looga soo diray, sida ay xukuumadu sheegtay.

Wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa saxaafadda uga waramay safarka madaxweynaha. “Waxa dalka ka amba-baxay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay u socdaan dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo casuumad rasmi ah ka helay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa nala socda guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah  ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.” ayuu yidhi

Wuxuu intaas raaciyay “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.”

Geesta kale, Madaxweyne Biixi oo shalay ka hor intii aanu dhoofin kulan la yeeshay xisbiyada mucaaradka gaar ahaan labada hoggaamiye ee UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdriaxmaan-cirro, ayaa wuxuu madaxda mucaaradka ka codsaday inay safarkiisa ku weheliyaan. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in guddoomiye Faysal uu aqbalay soo jeedinta madaxweynaha laakiin uu ka cudur daartay guddoomiye Cirro oo sheegay inuu leeyahay hawlo u gaar ah.

Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu safarka u bixin wuxuu kulan la yeeshay  shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, waxaanu daarnaa sidii  talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here