Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sababta Ay Madaxda Itoobiya Uga Maqnaatay Wanqashii Loo Sameeyay Balaadhinta Dekedda Berbera

26
3298

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa maqnaanshihii dawladda Itoobiya ay ka maqnaatay xafladii wanqasha ahayd ee balaadhinta dekedda Berbera loogu sameeyay madaxtooyada Somaliland, wuxuu ku macneeyay in madaxda Itoobiya ay mashquul ku ahaayeen shirkii xisbiga EPRDF.

Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo warbixin dheer ka qoray munaasibadaas ka dhacday madaxtooyada, ayaa wuxuu sheegay in munaasibadaas oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Biixi iyo madaxda shirkadda DP world Sultaan Axmed, balse aanay ka qayb gelin dawladda Itoobiya oo leh saamiga saddexaad ee maalgashiga dekedda Berbera, wuxuuna sheegay in munaasibadda ay goob-joog ahaayeen Madaxweyne Biixi, agaasimaha DP world Sultaan Axmed, laakiin madaxda Itoobiya ayaan ka qayb gelin munaasibada.

Calanka Itoobiya ayuu wargeysku sheegay inuu ka dhex babanayay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu garab yaalay calamaanta Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Biixi, ayaa siduu wargeysku qoray wuxuu saxaafadda u sheegay in Madaxda Itoobiya mashquul ahaayeen, “Masuuliyiinta Itoobiya, gudahooda ayaa ay ku mashquulsanaayeen, shirweynihii xisbiga talada haya awgii.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dad badan ayaa isweydiiyay sababta keentay in Itoobiya ka maqnaato munaasibadaas. Itoobiya ayaa maalgashiga dekedda Berbera waxay ku leedahay 19%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here