Madaxweyne Biixi: Ma Wuxuu Dooran Doonaa Inuu Dhiso Xukuumad Abaalgud Ah Mise Wuxuu Eegi Doonaa Danta Guud Ee Qaranka?

53
3661

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku jira maalmihii u dambeeyay ee diyaar garowga dhismaha xukuumadiisa iyo la wareegidda xilka qaranka.

Md. Biixi, wuxuu balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo ay hagi doonaan wasiiro iyo masuuliyiin kale oo leh xirfad, si ay u helaan kalsoonida shacabka codkooda siiyay. Madaxweyne Biixi oo ay taageerayaashiisu ugu ololeyeen laba qodob oo muhiim ahaa oo kala ah madaxweyne go’aan leh iyo in sharcigu sareeyo agtiisa, waxa dhismaha xukuumadaas kooban ee uu balan qaaday ka hortaagan amuuro dhawr ah.

Abaalgud

Waxa jira caqabado badan iyo arrimo is dhinac socda oo madaxweynaha la doortay ka soo waajahaya inuu dhiso xukuumad kooban. Laakiin caqabada 1aad ee la aaminsanyahay in xukuumad kooban oo uu soo dhiso ay ka hortaagantahay ama caqabad ku noqonayso, ayaa ah abaalgud siyaasadeed oo ay dad badan oo la soo shaqeeyay wakhtigii ololuhu ka sugayaan kuwaas oo doonaya in si kastoo ay tahay doonaya inay ka dhex muuqdaan golaha wasiirada.  Kooxahan madaxweynaha la doortay ka dooonaya inuu abaalgud siyaasadeed uga dhigo kursi wasiirmo ayaa isugu jira xubno wasiiro, ganacsato iyo dad kale oo agtiisa laga yaabo inay culays ku leeyihiin, waxaanay qaarkood doonayaan inuu dib u soo magacaabo maadaama oo ay ka tirsanyihiin xukuumadda, qaarna waxa waxay jecelyihiin inuu xilal ugu dhiibo shakhsiyaad qoysaskooda ka mid ah si ay danahoodii gaarka ahaa ugu sii socdaan.

Danta qaranka

Waxa iyana jirta dareen kaas abaalgudka ka fog oo ay qabaan inta badan muwaadiniinta Somaliland oo isugu jira kuwii u codeeyay iyo kuwii ka codeeyayba, kuwaas oo aaminsan in madaxweynaha la doortay uu soo dhiso xukuumad kooban oo uu cadaalad u qaybiyay, si shacabka iyo dalku u helaan xukuumad tayo wanaagsan oo dalka ka saari karta xaaladda adag ee uu ku suganyahay.

Madaxweyne Biixi laftiisa ood moodo inuu la dareenyahay shacabka doonaya danta qaranka ayaa balan qaaday soo jeedimaha shacabkiisa. Shacabka Somaliland waxay xukuumadda wakhtigan dhisan u arkaan mid aan ka turjumayn dareenka umadda iyo xaaladda uu dalku ku suganyaay, sidaas daraadeedna baahi mug leh loo qabo xukuumad la dareen ah shacabka oo ka fog musuqmaasuqa iyo nidaam xumo. Madaxweyne Biixi qoraal uu ku qoray wargeyska caanka ah ee Financial Times, wuxuu u muuqdaa inuu ka turjumayo dareenka shacabkiisa waxaanu yidhi “Waxa aan bogaadinayaa madaxweynihii xilka iga horreeyey, mudane Amed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo si weyn u muujiyey sida ay uga go’anayd adkaynta amniga qaranka, fidinta joogitaanka Somaliland ay dunida ku leedahay iyo maalgelinta guriyeynta iyo kaabayaasha, Laakiin waxa aanu xogogaal u nahay meelaha ay xukuumadda ka gaabisay toddobadii sano ee la soo dhaafay. Gaar ahaan musuqmaasuqa oo aad uga jira Somaliland, Fursaddanna waxa aanu uga faa’idaysan doonnaa in aanu xididdada u siibno, dibna aanu u dhisno dawladnimo u adeegta danaha muwaadiniinta oo dhan. Waxaa ka mid ah in aanu soo magacowno gole wasiirro oo lagu soo doorto mabda’ ah aqoon iyo karti. Waxa aan maamuli doonaa gole wasiirro ah oo kartidoodu aad u sarrayso, kuna xeeldheer shaqada loo igmaday. Annaga oo sida oo kale aad u tixgelinaya isu-dheellitirnaanta ragga iyo dumarka iyo in dadka Somalilandna ay sidii hore si ka badan uga wada dhex muuqdaan.”

Gunaanad

Marka si guud loo eego, madaxweyne Biixi waxa dhismaha xukuumadiisa ka haysata caqabado la dareemi karo, wuxuuse caqabadahaas kaga gudbi karaa hoggaamin adag, isagoo ka dhabaynaya  labadii qodob ee uu ku ololeeyay ee ahaa “Nin go’aan leh oo uu agtiisa sharcigu sareeyo”.  Haddii uu qaato dareenka shacabka codkooda siiyay oo ilaa hadda ifaafalaheedu ka muuqdaan, soona dhiso xukuumad kooban oo ku dhisan cadaalad, wuxuu heli doonaa kalsooni dheeraad ah oo siyaasadeed, waxaana suurtogal ah inuu helo wakhti uu kaga faa’iidaysto waxyaabo badan oo maankiisa ka guuxaya oo ah horumumar, waxaana uu ka nasan doonaa mucaarad siyaasadeed oo uu la kowsado.

Haddiise Madaxweyne Muuse Biixi uu qaato aragtida ah inuu guddo abaalkii siyaasadeed ee loo galay mudadii uu ololaha doorashada ku jiray, waxa xaqiiq ah inuu waayi doono taageerada shacabka Somaliland ee u badan danyarta oo ay daashadeen xaaladda adag ee uu dalku ku jiro oo saamayn ku yeelatay noloshoodii caadiga ahayd.

Ugu dambayn, maalmo aan dheerayn waxa kala miir dilaaci doona afkaaraha is barbar socda ee laga aaaminsanyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u muuqda inuu hoggaanka qabtay wakhtigii loogu baahi badnaa madaxweyne la dagaalama musuqa iyo dawlad xumada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here