Madaxweyne, Agaasimeyaasha Guud Kasoo Xulo Shaqaalaha Wasaaradaha Kuwooda Ku Sifooba Astaamaha Maamul Wanaaga

22
3140

Qore, M.C.Dubbe,  Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Horumar kasta oo bulsho gaadho waxaa inta badan aasaas u ah tubta hogaamineed ee uu u  jeexo  masuulka  gadhwadeenka u ah umaddaasi, taas oo midhaha laga goostaa anfacaan  dadka wakhtigaasi nool iyo  waliba jiilashooda dambe.

Madaxweynayaashii soo maray Somaliland mid kastaa wuxuu soo kordhiyay waxyaabo horumar iyo guulo u ah  qaranka, taasoo u saamaxday in  madaxweyne kastaa ka kasii  dambeeya uu halkaasi kasii ambo-qaado kuna biiriyo  horumar cusub iyo talaabooyin  wax ku ool ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa isagana maanta  hor yaala fursado badan oo uu ku ikhtiraaci karo guulo isaga u gaar ah oo hadhow lagu xasuusto siddii madaxweynayaashii ka horeeyeyba midba wax loogu xasuusto marka laga hadlayo geedi-socodka horumarineed ee Somaliland gaadhay.

Aan u soo daadago ujeedada cinwaanka qoraalkayga,  Agaasimaha-Guud  waa mishiinka ama     udub-dhexaadka hay’adaha ama wasaaradaha kala duwan.  Sidaa darteed ayaanay wasaaradi ama Hay’adi guul la taaban karo u gaadhi  Karin haddii aanay helin  Agaasime khibrad iyo aqoonba u leh, isla markaana lagu majeerto  aaminaad, dhaqan-wanaag iyo cadaalad uu ugu adeego  bulshada.

Muddo aad u dheer ayaa agaasime-yaasheena guud lagu soo xulayay nidaam qabiil iyadoo aan wax tixgelin ah  oo weyn aan la siin jirin khibrada iyo aqoonta uu agaasimahaasi u leeyahay meesha loo magacaabayo.  Waxa intaasi kasii darnaa in agaasimeyaasha qaar  badan oo ka mid ahi iyagoo aan aqoon iyo khibrad midna u lahayn wasaaradda ama hay’adda loo dhiibay haddana intaasi  ay usii dheerayd dhaqanmo aan wanaagsanayn oo uu ka mid yahay musuq-maasuq, eex iyo qaraabo-kiil.

Dib-u-dhac kasta iyo fashil kasta  oo  ku yimid  hiigsigii qaranka waxaa door laxaad leh ku lahaa masuuliyiinta xilalka loogu soo magacaabayay nidaamka qabiilka, iyadoo aan la qadarinayn dhamaan sifooyinka wanaagsan ee aan kor ku soo xusay.

Haddaba, mudane Madaxweyne, waxaan talo ahaan kuugu soo jeedin lahaa  in guud ahaan masuuliyiinta aad xilalka u magacaabayso, gaar ahaan Agaasimeyaasha Guud, maareeyayaasha, Badhasaabada iyo kuwa la midka ahba aad u eegto in qofkaasi ku sifoobo khibrad, aqoon, dhaqan-wanaag, karti, hufnaan, eex-la’aan  iyo cadaalad uu ugu adeego bulshada qaybaheeda kala duwan.

Si gaar ah  waxaan ugu soo jeedin lahaa talo ahaan, in Madaxweynuhu Agaasimeyaasha Guud  kasoo dhex xulo Agaasime-Waaxeedyada iyo shaqaalaha muddada badan kasoo shaqaynayay Wasaaraddaha ee buuxiya shuruudaha looga baahan yahay haddii ay tahay khibrad, aqoon, aaminimo, dhaqan-wanaag iyo eex-la’aan.

Agaasimeyaasha guud ee laga keenayo suuqa ee aan laga soo xulayn wasaaraddaha ayaa caqabado badan kala kulma shaqada, waxaana wakhti badani kaga lumaan muddada uu ku fahmayo shaqada wasaaradda loo soo magacaabay.

Haddii  la raaco nidaamkii hore ee qabiilka oo kali ah loo eegi jiray masuuliyiinta, wax horumar ah oo la taaban karo qarankani ku talaabsan maayo, taas bedelkeeda waxaaba inasoo gaadhi doona dib-u-dhac hor leh oo ragaadiya horumarkii aynu hiigsanaynay kulana tartamaynay wadamada caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here