KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Dalladda Dhallinyarada Aqoonyahanka GURMAD Ee Gobollada Galbeedka Somaliland

0
710

Boorama (Geeska )- Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dalladda dhallinyarada GURMAD oo ay ku midoobeen 10 urur oo ah aqoonyahanka gobollada galbeedka Somaliland, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray xisbiga.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey soo dhawaynta dalladda GURMAD oo lagu qabtay hutel Rays ee magaalada Boorama shalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, hoggaanka garabka dhallinyarada xisbiga ee heer qaran, Wasiirrada Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Maxamuud Sheekh Cabdillaahi iyo Maxamed Axmed Obsiiye, wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Awdal, masuuliyiinta dawladda ee heer degmo iyo gobol ee Awdal, hoggaanka dallada Gurmad ee xisbiga la midowday, salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee ku biiray ee xisbiga, isla markaana lagu bogaadinayey go’aanka ay xisbiga kula midoobeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiqaadir Daahir Axmed oo madasha soo dhaweynta dalladda GURMAD daah-furay, ayaa soo dhaweeyey dalladda aqoonyahanka ah ee xisbiga ku soo biirtay, waxaanu xusay inuu rajo-weyn ka qabo in cududda iyo aqoonta bahweynta Gurmad ku duugani ay qayb ka qaadan karto guul uu xisbiga KULMIYE gaadho.

Xubno ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Sahra Maxamed, Afhayeenka Garabka haweenka Marwo Safiya Cabdi Aw Nuur iyo Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada KULMIYE ee gobolka Awdal Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Hoorri, ayaa iyaguna si diirran u soo dhaweeyey Dalladda GURMAD ee cududdeeda ku soo biirisay xisbiga KULMIYE, waxaanay si weyn u bogaadiyeen go’aanka iyo taladda ay dalladaasi ku gaadheen inay dhismaha xisbiga KULMIYE kaalintooda ka qaataan.

Guddoomiyaha dalladda Dhallinyarada aqoonyahanka ee GURMAD Md. Saleebaan Aadan Samatar, ayaa hoggaanka xisbiga iyo bulshada kaleba u sheegay inay si buuxda codkood, taageeradooda iyo aqoontoodaba ugu wareejiyeen xisbiga KULMIYE, isla markaana ay heegan adag u geli doonaan sidii uu murrashax Muuse Biixi hoggaanka dalka u qaban lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca dhallinyarada gobollada galbeedka Somaliland ee GURMAD, waxaannu maanta halkan ka caddaynaynayaa cududdayada taageero, cilmiga iyo aqoontaba inaanu ku taageerayno oo aannu la garabgelayno inuu guulaysto Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,  Dalladdu waxay u gurmanaysaa sannadkan inay keento hoggaankii dhabta ahaa ee ku habboonaa inuu dalkan hoggaamiyo oo ah murrashax Muuse Biixi Cabdi.”

Sidoo kale, xubno kale oo ka mid ah madaxda dallada GURMAD oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si buuxda ugu qanceen xisbiga KULMIYE iyo waxqabadkiisa, kuna qanceen siyaasadda iyo qorshaha xisbiga iyo murrashaxiisa Madaxweynaha.

Siyaasi Maxamed Abiib Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE oo kaali wayn ku lahaa sidii dallada GURMAD ugu biiri lahayd xisbiga KULMIYE oo halkaas hadallo kooban kasoo jeediyey, ayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee GURMAD ku bogaadiyey go’aankooda, waxaanu hoggaanka xisbiga ugu bushaareeyey inay heleen cudud cusub oo heegan u ah taageerada KULMIYE.

Wasiirrada Wasaaradaha Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Md. Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo iyaguna halkaas khudbado ka jeediyey, ayaa bogaadiyey bahweynta dallada GURMAD ee ku soo biirtay xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay yihiin aqoonyahan u darban dardargelinta xisbiga iyo aloosidda guusha uu mar kale higsanayo xisbigu inuu hoggaaminta dalka u qabto.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Gobolka Awdal Md. Maxamed Xuseen Maydhane iyo Badhasaabka Gobolka Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa iyaguna si laxaad leh u soo dhaweeyey aqoonyahanka ku midoobay dalllada GURMAD, waxaanay hoggaanka xibsiga kula dardaarmeen inay u dhego-nuglaadaan talooyinka iyo tusaalooyinka dhaqan-dhaqaale iyo kuwa siyaasiga ah ee ka yimaadda dhinaca bahdan aqoonyahanka ah ee xisbiga ku soo biirtay.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay dallada aqoonyahanka ah ee kasoo jeedda gobollada galeedka Somaliland, waxaannu shaaciyey in aqoonta iyo kartida da’yartaas ku beeran kaalin weyn ka qaadan karto guusha xisbiga KULMIYE raacdadeeda ku jiro.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu madasha soo afmeeray, ayaa soo dhaweynta dallada GURMAD kadib waxa uu ku dheeraaday aragtiyaha xisbiga KULMIYE doonayo inuu dalka ku horumariyo  iyo meelaha uu doonayo inuu xoogga saaro, waxaannu yidhi, “Haddii aad GURMAD tihiin waxa inoo ballan ah midnimada dalka, codkana waxa aynu ku bixinaynaa inuu dalka Somaliland mid yahay Bari, Koonfur, Galbeed iyo Waqooyiba, waxa kale oo inoo ballan ah inuu sharcigu qof walba ka sarreeyo, muwaadiniintuna u siman yihiin sharciga dalka dheef iyo dhibba, waxa inoo  ballan ah inaynu dalkeena amnigiisa gudaha wax walba ka hormarino oo qofka muwaadinka ahi amni u helo naftiisa, qoyskiisa iyo hantidiisa oo aynu nabadda gudaha labada gacmood isugu geyno, isla markaana aanu cadow shisheeye soo hungurayn dalkeena.”

Waxa kaloo uu xusay in xisbiga KULMIYE awodda saarayo tayeynta aqoonta dalka, si dalku u gaadho horumar taabbogala, “Aqoontu waa mustaqbalka, iftiinka iyo caafimaadka, biyo la heli maayo haddii aan aqoon la lahayn, shaqo la abuuri kari maayo haddii aan aqoon la lahayn, macdan la soo qodan karimaayo haddii aan aqoon la lahayne waxa inoo ballan ah inaynu xoogga isugu geyno horumarinta iyo kor-u-qaadista tayadeeda, maantana  xagga tirada iskuullada ardayda iyo jaamacadaha, laakiin waxa aynu xoogga saaraynaa tayada aqoonta iyo inuu ardayga Somaliland kasoo baxaa uu wax la qaybsan karo Ingiriiska, Maraykanka iyo adduunyada oo dhan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.