“Hankayga Musharaxnimo Ee Guddoomiyaha Kulmiye, Waa Bartii”

50
4099

Maxamed Ibraahim Qabo

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa ka hadlay hankiisa ah inuu u tartamo jagadda Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, oo uu hore u sheegay in marka la gaadho wakhtigeeda inuu u taagan yahay, isla markaana Xisbiga Kulmiye aanay cidi ka xigin.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi“Hore waxaan u sheegay in aan isku soo sharaxayo jagadda Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,hankayga Musharaxnimo ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waa bartii,oo kamaan tanaasulin,marka wakhtigeeda la gaadhana insha allaah waan isku soo sharaxayaa, waana u taagan nahay jagadaas Guddoomiye-nimo, Xisbiga Kulmiye waa Xisbigaygii,cid iga xigtaana ma jirto”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa dhinaca kale ka hadlay kulan ay shalay iskugu yimaadeen Wasiiraddii hore ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, waxaanu tilmaamay in guusha Xisbiga Kulmiye ka gaadhay Doorashadii Madaxtooyada inay door muhiim ah ka qaateen, kulankana uu ahaa mid aad muhiim ugu ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here