GUUGUULE IYO MAANTA

Published on Mar 11 2018 // Warar

Anigu Mujaahidka madaxweynaha ah waxaan odhan lahaa, ha dhayalsan xaaladdan gobalka ka soo korodhay ee ay dekedda Berbera sababtay. Waxa bilaabmaya dagaal diblomaasiyadeed, mana aha dagaalku kii qoriga, dabino ayaa la isu xidhayaa, dabinkuna maaha kii sakaarada. Waa inaad u diyaar garowgeeda iyo digtoonideedaba yeelataa madaxweyne. Waxa lagaa doonayaa inaad dabin kasta oo la xidho furto, adna aad kaaga dabadeed xidho. Waxase waxaas oo dhan ka horeeya inaad shacabkaaga doorashadu kala qaybisay midayso, waayo shacabkaaga oo kala qaybsan wax iskama celin kartid.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!