Geeska Afrika Oo Xulay Masuulka Mutaystay Shakhsiga Sanadka Ee Xukumada Silanyo

26
1304

geeeeeska

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika,  isagoo ka duulaya masuuliyadiisa warbaahinimo iyo xogogaaleed, waxa uu muddo dheer sahan baadhiseed ugu jiray shakhsiga sannadka ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo toddobaadkan gu’ jirsatay. Si kale haddii loo dhigo masuulka ugu dedaalka iyo wax qabadka badnaa shakhsiyaadkii uu Madaxweynuhu sannad ka hor magacaabay.

Masuul kasta oo loo doorto in uu hoggaamiyo dal ama uu qabto hawl dadka ka dhaxaysa waxa waajib ah in la helo hab loola xisaabtamo iyo cid si mug leh ula socota shaqadiisa, marka laga tago hay’adaha dawliga ah ee shaqadaa u xil saaran waxa lama huraan ah in bulshada loo adeegayo oo iyadu hadba cidda talada haysa codkeeda ku dooratay in ay ogaato heerka wax qabad ama liidasho ee masuuliyiinta ciddii ay soo dooratay u xushay in ay maamulaan xafiisyada kala duwan ee noloshooda saamaynta ku leh. Haddaba wargeyska Geeska Afrikaisaga oo ka duulaya masuuliyadda bulsho ee saaran, una arka in ay gar tahay in masuul kasta la qiimeeyo sammaan iyo xumaan waxa uu soo kordhiyeyna uu soo bandhigo. Markii si aqoon iyo caddaaladi ku dheehan tahay uu muddo u baadhay wax qabadka masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, heer qaran iyo heer gobolba, isaga oo si gaar ah u eegaya, waxa uu masuulku ku soo kordhiyey hay’addiisa iyo horumarka uu hiigsanayaa sida uu u yahay mid waaqaca waafaqsan oo aan ahayn maal awaal iyo qiiro, waxa uu ka badheedhayaa shakhsiga sannadkan ugu wax qabadka wanaagsanaa masuuliyiinta uu Madaxweyne Siilaanyo u xulay inay umadda u adeegaan. Haddaba cadadka Salaasada saadambe ee Wargeyska Geeska Afrika kala soco qofka uu yahay masuulkaasi iyo weliba sababta uu ku noqday shakhsiga sannadka ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Comments are closed.