Faysal Oo Sheegay In Xukuumadu Xaaladaha Dalka Kaga Mashquushay Dhismaha KULMIYE Iyo Jawaabtii Muuse

0
648

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda ku canaantay inay xal u helidda mushkiladda sicir bararka kaga mashquushay garab siinta murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Waxase hadalkaas ka jawaabay oo xukuumadda difaacay murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

Weerarkan iyo weerar celiskan dhinaca afka ah ayaa wuxuu masuuliyiintan ku dhex maray madal ay guddiga doorashadu Borama kaga iclaamiyeen khamiistii qaybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha.

Faysal Cali Waraabe

Faysal oo hadalka ku horeeyay ayaa yidhi “Askariga qaata boqol dollar ee sicir barar helay ee mushaharkiisii joonyad jarayn muxuu ku ilaalin karayaa, ka faranta joogaa miyuu ku ilaaln karayaa waa in sicir bararka lala dagaalamaa, yaa al dagaalamay dawladda. Dawladii meeday? waa tan waxay ku mashquulsantahay sidii ay u soo saari lahayd Muuse (murrashaxa KULMIYE). Muuse Biixi waad sharaxdeen, waad doorateen oo waad u hibayseen ee ka hadha (dawladaay) ilayn nagama xoog yaree hanala tartamo isagoo nala simane ka hadha oo umadda u shaqeeya,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Faysal waxa kale oo uu ku taliyay inuu isagu yahay murashaxa ka mudan labada murashax ee Cirro iyo Muuse oo uu sheegay in labadoodaba la soo tijaabiyay, waxaanu yidhi “Waa in aynu soo celinaa kalsoonidii Adduunka, waxayna Somaliland jiritaankeeda iyo aqoonsigeedu ku xidhan tahay inuu isbeddel ku yimaad siyaasadeena oo ah isbeddel cusub oo dhiig cusub ah oo aan hore loo tijaabin, taasna idinka (dadweynaha codbixiyeyaasha ah) ayaa gacanta ku haya, haddii aad ku soo celisaan wakiilladda (murrashax Cirro) oo aad ka dhigtaan madaxweyne, haddii aad ku soo celisaan KULMIYE oo aad genaraalka (murrashax Muuse Biixi) saartaan waxba isbeddeli maayaan,” ayuu yidhi murrashaxa xisbiga UCID.

Muuse Biixi

Muuse Biixi Cabdi, ayaa oo hadalka ku dambeeyay ayaa xukuumadda ka difaacay eedda uu Faysal u soo jeediyay ee ah inay dhisayso Muuse oo ay kaga mashquushay, waxaanu yidhi  “Dawladdu ma dhisayso Muuse ee xisbiga KULMIYE iyo barnaamijkiisa ayey dhisaysaa, sharciga dimuqraaddiyada iyo siyaasadduna waxa uu sheegayaa siyaasiga laga soo doortay xisbi ee xilalka hayaa shaqada qarankana way qabanayaan, waanay ku khasban yihiin xisbigooda inay soo saaraan oo siyaasaddiisa hirgeliyaan, shakhsina ma dooranayaan, waa wax caadi ah oo adduunka ka jira, laakiin wixii shaqaale dawladeed ah iyagu maya xeerkeena ayaa ka reebaya oo waxay ku eekaanayaan shaqadooda.”