Falanqayn Ku Saabsan Sababta Ay Itoobiya U Samaysanayso Ciidanka Badda

1
528

Markii ay Eritrea xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday tallaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig badeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yidhi “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yidhi in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay.

Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aanay isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii hore loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato.

Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxeexatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso.

Waxaa jira qad tareen oo isku xidha labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecadaha  iskaga kala gooshaan labada dhinac.

Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala. “Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weydo waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yidhi Roba.

Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan.

Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000.

In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan.

Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxeexatay Suudaan iyo waliba Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

Dib uga fiirsashada Eritrea

Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo.

Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go’aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme.

Balse si kasta oo uu u hagaago xidhiidhka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale.

Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda.

Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo.

Mr Birhanemeskel ayaa yidhi “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”.

Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka.

Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka.

Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan?

Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah..

Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aanay lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolka.

Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo badan.

 

1 COMMENT

  1. Waxaa laba cali is waydiinayn in ethiopia ay rabto in ay gacanta ku dhigto midka mida badaha ku yaal wadamada geeska africa siiba somaliland iyo eritrea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.