Fadeexad Diblomaasiyadeed Oo Dul Hoganaysa Ergayga Midowga Yurub Ee Gobalka Geeska Afrika Iyo Lacag Laaluush Ah Oo Uu Ka Qaatay Farmaajo

54
4208

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika danjire Alexander Rondos, ayaa lagu eedeeyay inuu lacag laaluush ah ka qaatay dawladda Soomaaliya, si uu dawladda Soomaaliya ugu sameeyo suuq uu ku bandhigayo weji wanaagsan oo aanay lahayn oo loo bandhigo dalalka reer glbeedka.

Warbixin dhawaan la baahiyay, ayaa lagu soo bandhigay fadeexada diblomaasiyadeed ee uu dhex dabaalanayo danjire Alexander Rondos oo ah in la siiyay lacago laaluush ah, waxaanu danjire Alexander Rondos ka mid yahay diblomaasiyiin badan oo ay dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo u qortay lacag. “Danjire Alexander Rondos, oo ah wakiilka Midowga Yurub ee gobalka Geeska Afrika waa xudunta musuqa ee laaluush qaadashada si uu u bedelo dhaleecaynta dawladda Soomaaliya, korna ugu qaado sawir wanaagsan oo dawladda Farmaajo ah. Waxa la siiyay 10 goor lacago kala duwan oo ah shan boqol oo kun oo dollar ($ 500,000) oo loo soo mariyay ninka magaciisa la yidhaahdo Siciid Muuse Cali oo danjire Rondos u ahaa la taliye sare, haddana la taliye sare oo dhinaca ammaanka u ah Farmaajo.” Ayay tidhi warbixintani oo intaas raacisay in danjire Alexander uu inta badan habeenkii saqda dhexe tago madaxtooyada Soomaaliya oo uu kula caweeyo ilaa waaberiga Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in danjire Alexander Rondos uu dawladda Farmaajo ka caawiyay sidii ay wasiirada khaarajiga ee IGAD u taageeri lahaayeen, isagoo lacag lagu sheegay konton kun oo dollar siiyay mid ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in ergaygan Midowga Yurub uu diblomaasiyiinta reer galbeedka ku qanciyo inaanay mucaaridin dawladda Farmaajo taas bedelkeedna lacag la siiyo, “Allex wuxuu ka ololeeyaa inaanay diblomaasiyiinta Soomaaliya ka horiman dawladda Soomaaliya oo aanay tageerin mucaaradka iyo inaanay ka hadal musuqmaasuqa baahsan ee lagu eedeeyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre.” Ayay tidhi.

Warbixintani waxay Midowga Yurub ugu baaqday in baadhis dhammaystiran lagu sameeyo danjire Alexander Rondos iyo arrimaah musuqmaasuq ee uu dhex dabaalanayo, “Waxaanu ku baaqaynaa baadhis deg deg ah in lagu sameeyo Alexander waxaas uu ku dhex jiro ee musuqmaasuqa ahna lagula xisaabtamo. Haddii aan la samayn baadhis waxa dhaawacmi doona kaldoonida lagu qabo Midowga Yurub iyo dedaalkooda nabadda iyo qaran dhiska Soomaaliya.” Ayay tidhi warbixintu.

Geesta kale, inkastoo aan warbixinta lagu xusin, inkastoo uu danjire Alexander Rondos Midowga Yurub u qaabilsanyahay gobalka Geeska Afrika, haddana muddo shan sannadood ah oo uu xilka hayay muu iman caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana lagu tilmaamaa inuu qayb ka yahay dagaalada diblomaasiyadeed ee ay dawladda Soomaaliya ku hayso dawladda Somaliland. Alexander oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Talyaaniga, wuxuu dhex dabaalanayaa fadeexad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay laaluushkaas uu qaatay, welina wax jawaab ah kamuu bixin warbixintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here