Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson MandelaAfrika Staff Writer (Q:2aad)

2
67

Picture4Hargeysa (Geeska)- Sagaal sano oo uu la tacaalayey caabuq kaga dhacay sambabada kadib, 5tii bishan Laba iyo Tobnaad ayaa uu geeriyooday halyeeygii dulmi-diidka ahaa, siyaasigii iyo hoggaamiyihii weynaa ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela oo ku dhintay 95 jir. Mandela 70 sano oo cimrigiisaa ka mid ah ayaa uu u huray halgan siyaabo kala duwan ahaa oo uu dadkiisa ugu raadinayey xorriyad iyo xuquuq aadamenimo oo u saamaxa in ay si karaamo leh ugu noolaadaan ciiddooda hooyo, 27 sano oo ka mid ah 70kaa sano waxa uu ku qaatay xabsi uu ku mutaystay keliya baaqiisii karaamo doonka ahaa iyo dhaqdhaqaaqii ka dhan ah midab-takoorkii ka jiri jiray dalka Koonfur Afrika.

Sannadkii 1990kii oo uu xabsigaa dheer ka soo baxay, ayaa isla markiiba Mandela loo doortay in uu noqdo madaxweynihii abid ugu horreeyey ee madow ah ee dalkaas hoggaamiya, dad badan ayaana filayey in ciilka ku gaaxday uurkiisu uu fari doono in uu aargoosto, laakiin sidaas ma’ uu yeelin, balse waxa uu qaatay siyaasad ah dib-u-heshiisiin, taas ayaana kaalin laxaad leh ka qaadatay horumar ballaadhan ee uu dalka Koonfur Afrika ka sameeyey dhinacyada amniga iyo xasiloonida, dhaqaalaha, bulshada iwm.

Mandela waxa uu dalkiisa kala soo dabbaashay duruufo aad u adag, isaga oo ka hadlaya caqabadaha ka hor yimi markii uu xabsiga ka soo baxay ee uu hoggaanka dalka la wareegay, buuggiisa xusuus qorka waxa uu xaaladdaas ku tilmaamay in ay ahayd laba daran dhexdood;

– In uu doorto jidka horseedi kara dagaal sokeeye oo muwaadiniinta madowga ah ee tirada badani ay ku dhaqaaqaan ka aarsiga caddaanka tirada yar ah ee muddada nus-qarniga ku dhow cagta hoosteeda ku hayey, xuquuqdooda muwaadininnimana duudsiyey.

– Ama in uu ka hor yimaaddo doonista iyo qiirada dadka madowga ah ee codkooda uu ku yimi, la’aantoodna aanu halgankiiu midho dhal noqdeen, in uu cabudhiyo dhalinyarada midab takoorkii nolosha silica ah iyo dulmiga ka tirsanayey ee aargoosiga isu diyaariyey iyo dadka faqiirka ah ee u hammuum qabay in ay boobaan hantida balaayiinta ah iyo beeraha jannada adduun ah ee ay caddaanka tirada yari ku raaxaysanayaan.

Waxa uu doortay tan dambe oo ah in, wax kasta oo hore u soo maray uu maanta dhalay ka noqdo, kana shaqeeyo habkii uu ku dhisi lahaa qaran la wada leeyahay muwaadiniintuna u siman yihiin dhibtiisa iyo dheeftiisaba. Qaran aan la isku duudsiyin qabiil, midab, mad-hab ama wax kale oo kasta oo ay ummadi ku qaybsami karto. Waxa aanu noqday tusaale dunida oo dhani ugu soo halqabsato, hal-adaygga, halganka, dulqaadka iyo hoggaamiyenimada.

Mandela waxa uu qormeeyey siyaasad duruus anfac leh u noqonaysa cid kasta oo hoggaaminaysa qaran ay ku nool yihiin dad kala duwan, diin ahaan, dhaqan ahaan ama qabiil ahaan, oo doonaya in ay midnimo iyo wadaniyad ku wada noolaadaan.

Hadaba Qormadeennan waxa aynu ku eegi doonnaa duruusta ku jirta hoggaamintii iyo ajandayaasha siyaasiga ahaa ee ay fiicnaan lahayd haddii uu madaxweyne Siilaanyo kaga daydo halyeyga reer Afrika Nelson Mandela oo noqday taallo dunida oo dhami ku soo hirato.

Waa run in aan shakhsi ahaan labadan hoggaamiye la isu barbar dhigi karin, gaar ahaan marka la eego duruufaha kala duwan ee mid kasta ku xeeran iyo in Mandela uu ahaa shakhsi heer caalamiya gaadhay, Waa run in labada maamul ee labadan hoggaamiye ay xilka kala wareegeenna aan sinnaba la isu barbar dhigi karin oo Koonfur Afrika waxaa ka jiray nidaam midab-takoor oo arxan daran, halka uu madaxweyne Siilaanyo xilka kala wareegay dowlad dimuqraadi ah oo uu hoggaaminayey madaxweyne Rayaale oo si dimuqraadiya loogu soo doortay cod shacbi, laakiin kala duwanaanshiyahaas weyni haddana ma’ inoo diidayo in aynu isku dhererino meelaha ay labadan hoggaamiye isaga iman karaan iyo duruusta ay fiican tahay in hoggaamiyaha Somaliland ka barto hoggaamintii Nelson Mandela.

Md. Siilaanyo waxa uu halgan dheer u soo galay sidii uu umaddiisa uga dul qaadi lahaa heeryadii cabudhinta, caga-juglaynta iyo keli talisnimada ahayd ee taliskii Siyaad Barre, waa halgan uu shacbigiisa u galay si la mid ah Nelson Mandela oo halgan adag la galay taliskii midab takoorka ahaa; mar labaadkana, Siilaanyo waxa uu ahaa ruug caddaa da’ ah oo hoggaaminayey xisbi aad u ballaadhan oo awood shacbiya oo badan leh, isla markaana bulshada ugu baaqayey in uu is beddel dhinaca wanaagsan ah ku samaynayo caddaaladda iyo garsoorka, nolosha, xoriyadaha, xuquuqda aadamaha iyo dhaqaalaha, si taas la mid ah ayaa uu hoggaamiyihii Koonfur Afrika waxa uu hoggaaminayey xisbiga ballaadhan ee ANC oo ajandayaashiisa siyaasiga ah xoogga ugu weyn saarayeen isla dhinacayadaa aynu kor ku soo xusnay, in kasta oo ay dhibtu ka taagnayd labadan xisbi oo aanu midkoodna si cilmiyeysan u sharrixin tubta uu u marayo hirgelinta horumarka dhaqaale ee uu ballan qaadayo iyo weliba miisaaniyadda ku baxaysa xaddigeeda iyo ilaha ay ka soo baxayso.

Waa arrin adag in la is-bar bar dhigo waxa ay qabteen labada xisbi oo dabcan aad u kala duwan, maadaama oo wax-qabadka iyo horumarka uu xisbiga ANC gaadhsiiyey dalka Koonfur Afrika lagu tilmaamo in uu yahay mucjiso ka dhacday qaaradda Afrika, haddana lama dafiri karo in uu xisbiga Kulmiye qudhiisu wax yaabo badan qabtay, walow ay aad uga yar tahay intii laga filyaye iyo ballan qaadkiisiiba. Dhinaca kalana labada xisbi ee ANC iyo KULMIYE waxa ay doorashada ku guulaysteen xilli labada ummadood ee labada dal ay is beddel aad ugu ooman yihiin, sidaa awgeed qiimaynta koowaad waxa ay ahayd is-beddelka ay labadan xisbi ku baaqayeen oo caadifadda loo qabay awgeed aanay cidiba su’aalo badan oo muhiim ah iska weydiin.

Faraqa weyn ee u dhexeeya labadan xisbi iyo guulaha ay dalalkooda u soo hooyeen, waxaa sabab weyn ka ahaa kala duwanaanshiyaha labada siyaasi ee kala hoggaaminayey iyo kala wanaagsanaanta hillinka ay u mareen siyaasaddooda hoggaamineed oo aynu qormadeennan ku qaadaa dhigi doonno:

Dersiga Koowaad: Midaynta umadda

1. Mandela waxa uu ka hor yimi doonista inta badan ee dadkii madowga ahaa ee isaga soo doortay, oo u ciil qabay in la baacsado cid kasta oo xidhiidh la lahayd nidaamkii ka horreeyey, taageerayaashia xisbiga ANC waxa ay doonayeen in xafiis kasta, il-kasta oo dhaqaale, mansab kasta iyo guud ahaanba manfac kasta oo dalku leeyahay uu helo muwaadinka u codeeyey Mandela, kuwii hore ugu soo mamayna dibadda loo tuuro.

Mandela ma yeelin taas, isaga oo og in dadkiisa madowga ah la dulmiyey xuquuqdoodii aas-aasiga ahaydna muddo nus qarni ah la duudsiyayey, haddana waxa uu door biday in uu dalka ka fogeeyo tafaraaruq iyo in muwaadiniintu mar kale kala xuquuq bataan. Markii uu talada qabtayba waxa uu abuuro guddi qaran oo ka shaqaysa runta iyo dib-u-heshiisiinta, guddidaas oo uu isagu u jeexay siyaasadda ay ku soconayso isla markaana uu si shakhsi ah ula socday shaqadeeda iyo halka ay wax marinayso waxaa ayaa ku guulaysatay in ay si cad isu soo hor fadhiisiso muwaadiniinta reer Koonfur Afrika oo si laab xaadhan u gartamay, mid kastaana sheegay waxa uu uurka ugu hayey kan kale, qaladkiisa qirtay, waxa uu ku saxnaana dhinaca kale garowshiyo uga helay.

Nasiib darro dersigaas muhiimka ah ee laga baranayo habkii uu Mandela ku mideeyey qarankii qaybsanaa ee taladiisa uu qabtay, waa uu seegay hoggaamiyaha Somaliland.

Muddo 8 sano ku siman ayaa uu xisbiga Kulmiye ku jiray ol’ole ciddiyo ku dagaalan ah oo dhaliil kasta bannaanka uu soo dhigay, waxaana dad badani ay ku doodi karaan in qaabkii mucaaradnimo ee Kulmiye, iyo hannaankii uu u abaabulnaa oo ay is biirsadeen xukuumaddii Md. Rayaale oo si aan qurux badnayn iyaduna uga hortagtay ay sabab u noqdeen in bulshada reer Somaliland ay si weyn u qaybsanto qabyaalad ahaan, iyo fikir ahaan labadaba. Madaxweyne Siilaanyo tubtii hoggaamiye Koonfur Afrika ma’ uu marin oo xilka markii uu qabtay kama uu shaqayn in uu isu keeno dadkii isaga u codeeyey iyo kuwii ka soo horjeeday oo wadartooda guud ay ka tiro badnayd inta isaga u codaysay. La soco…

 

Comments are closed.