Dr Abiy Axmed: Dameeraha Adari Ninka Foofiya Ayaa Soo Xareeya

0
1978

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada.

Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah:

In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha,

In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay,

Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda.

Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika.

Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki.

Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF.

Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya.

Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega.

Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse.

Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida.

Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here