Djibouti Iyo DP World Oo Weli Isku Jiq Ah Iyo Hadalo Xanaf Leh Oo Ay Hawada Isu Mariyeen

54
3722

Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay inaanay suuragaleyn inay shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale.

Maxkamad ku taala Ingiriiska ayaa markii saddexaad waxay DP world u xukuntay inaanay Djibouti laali Karin heshiiskii hore, waxaanay Djibouti ku amartay inay u hoggaansato heshiiskaas hore.

Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bishan  soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti inay ku soo noqoto.

Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay

Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay hore  madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.

Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yidhaahdo SJTD.

Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan.

Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

Laakiin shirkadda DP world ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saartay waxay ku sheegtay inay jid kasta u mari doonto sidii ay u heli lahayd xaqeeda ah inay maamusho dekedda Dooraale. DP world ayaa sheegtay in talaabooyinka Djibouti muujinayaan inay ku tumanayso xuquuqda maalgashadayaasha, waxaanay Djibouti ugu baaqday maalgashadayaasha caalamiga ah inaanay maalgashan Djibouti “Maalgashadayaasha dunidu waa inay mar labaad ka fikiraan inay maalgashadaan Djibouti oo ay dib u qiimeeyaan heshiisyadii ay dawladda la galeen oo aan tixgelinayn shuruucda, iyagoo bedelaya heshiisyada iyadoon la la isku afgaran.” Sidaas ayuu yidhi sarkaal u hadlay DP world.

DP world waxay sheegtay inaanay marna ka tanaasuli doonin xaqaas ay sheegtay in maxkamad Ingiriiska ku taalaa u xukuntay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here