Dhallinyaro Bilaabay Ololaha U Hiili Qarankaaga

0
693

Hargeysa(Geeska)-DHalinyaro ku bahoobay urur magaciisa la yidhaahdo Dalsoor ayaa sheegay inay wacyigelin ka dhan ah dadka u kala dabqaadaya Soomaaliya iyo Somaliland inay joojiyaan isku xidhka labadda wadan ee aan wali kala bixin.

Sidoo kale, waxay dhalinyaradani bilaabeen olole la magac baxay u hiili qaranimadaadda,isla markaana ay dadka ku wacyigalinayaan inay wadankooda jeclaadaan,isla markaana  ku adkaadaan ilaalinta wadankooda, iyagoo iska ilaalinaya siyaasadda cusub ee Soomaaliya doonayso inay ku midayso labadda wadan.

War-saxaafadeedkan ay ururka Dalsoor ayaa u qornaa sidan: “Shacabka iyo hogaanka JSL ilaa maalintii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideedii 1991, waxay go’aansadeen in aanay faro-galin arrimaha u gaarka ah ee khuseeya dawladii aynu ka go’nay ee Soomaaliya, in kastoo shacabka Somaliland uu ahaa dacalka dulman ee loo gaystay xasuuq iyo bur-bur ballaadhan.

Laakiin nasiib-darro Waxaanu xaqiiqsanay inuu jiro qorshe si fiican looga soo shaqeeyay, isla markaana lacag badan ku baxayso oo ay wado dawlada muqdisho fadhidaa oo hadafkeedu yahay in qaranimada Somaliland hoosta laga soo minjo-xaabiyo, kuwaasoo adeegsanaya warbaahinta-aan-la-xakamayn-karin ee loo yaqaano (Social Media), kuwaasoo barbaarteena u sawiraaya in qadiyada Somaliland ay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin oo ku soo ururaysa cadho iyo caadifad, waxayna sidoo kale isku dayaan inay dareen niyad-jab baahsan ay ku abuuraan bulshada Somaliland oo ay dareensiiyaan in riyadooda ah inay beesha caalamka ka mid noqdaan ay tahay riyo been ah oo aan waligeed suuragalayn.

Shirqooladaasi waxa ka mid ah oo baryahan dambe aad u soo shaac-baxday, in dawlada muqdisho ay marti-qaadyo iyo soo dhawayno dhalanteed ah ay u fidiyaan haldoorka dhalinyarada Somaliland oo ay ku soo dhaweeyaan muqdisho, taasoo uu hadafkeedu yahay in da’yarta Somaliland lagu khaldo.

Waxa sidoo kale soo shaac-baxday in ololaha Muqdisho ka socdaa uu hadaf ka dhigtay kala fogaynta madaxda JSL (haday tahay xukuumada, golayaasha iyo axsaabtaba) iyo shacbiga, kuwaasoo u tafaxaytay inay dareen shaki ah ay kala dhex-dhigaan shacabka iyo hogaankiisa, waxaana dhacda inay social media-yaha ku faafiyaan warar been abuur ah oo cabsi iyo jahawareerin ku abuuraysa shacabka Somaliland.

Sidaa daraadeed ururka wadaniga ah ee dalsoor wuxuu go’aansaday inuu maanta daah-furo olole ballaadhan oo wajigeeda 1aad uu ururku ugu talo galay inuu kaga qayb qaato xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May 2017.

Sidaa awgeed ururku baaqyadan kala duwan ayuu dirayaa:

Shacabka Somaliland

1. Shacab-yahaw wanaagsan ee gobta ah, hadaad hore u tidhi (annagu xamar dooni mayno, xumaana u gaysan mayno) adigoo laguu gaystay dhib badan, haddaba ogsoonow maanta in kuwii hore kuu dhibay ay maantana isu diyaarinayaan inay mar 2aad masiirkaaga iyo mustaqbalkaagaba ay kaa baabiiyaan, sidaa awgeed shacabka somalialnd waxaanu leenahay hala baraarugo…hana loo midoobo qaranimada Somaliland.

2. Olole ballaadhan ayuu ururku maanta laga bilaabo ka samaynayaa social media-yaha, sidaa awgeed dhamaan shacabka Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay (like, share, comment) ay intaba kaga qayb-qaataan ololahan, si aynu saamayn xoogan kaga jawaabno weerarka inagu socda.

3. dhamaan dhalinyarada aqoon-yahanka ah ee JSL waxaanu leenahay ururka Dalsoor waa ururkiinii, hadafkiisuna wuxuu yahay inuu yeesho shan kun oo xubnood oo ku kala filiqsan dhamaan gobolada JSL, sidaa awgeed dhamaan dhalinyarada waxaanu ugu baaqaynaa inay ku soo biiraan oo ay xubno ka noqdaa ururka dalsoor. 

Xukuumada JSL

1. Xukuumada JSL waxaanu aad uga codsanaynaa inay nagu gacan qabato taageero lacageed iyo hawl-fudaydin, si aanu u awoodno in aanu ololahan u gaadhsiino dhamaan gobolada JSL isla markaana aanu ka hor tagno weerarka qaawan ee inagaga socda Muqdisho, shacabkeenana aynu dib u jeclaysiin lahayn qadiyadooda masiiriga ah ee madax-bannaanida JSL. Xukuumada Somaliland waxaanu u sheegaynaa in haddii aan lana gacan qaban, in ololahani aanay saamayn badan yeelan doonin, sidaa daraadeed waxaanu si weyn uga codsanaynaa inay taageero lacageed iyo nooc kasta oo taageero ah ay ku taageerto ololahan.”