Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Dardargelisay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Istaagay, Balana Ku Qaaday Inay Ciyaarayso Door Dhexdhexaad Ah

0
1026

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay inay dardar gelinayso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay balan qaaday inay ciyaarayso door ah dhexdhexaadin iyo fududaynta miiska wada hadalka.

Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho danjire Mehmet Yilmaz, oo waraysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Turkigu sameeyay dedaalo la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu ergay cusub u magacaabay wada hadalada labada dhinac. “Dawladda Turkigu, waxay ku dedaalaysaa inay door ka ciyaarto wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana waxaan samaynay dedaalo, hadda ka dibna waan sii wadaynaa dedaaladaas.” Ayuu yidhi Danjire Mehmet, waxaanu intaas raaciyay “Safiirkayaygii hore ee Soomaaliya danjire Olgan Bekar hadda waxa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan rajaynaynaa inuu booqasho ku iman doono halkan,.”

Isagoo sii sharaxaya safiirku dedaalka dawladda Turkiga ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi “Dawladda Turkiga way ka go’antahay dedaalada ku aadan suurtogelinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dal walaalo ahaan dawladda Turkigu waxay samayn doontaa wax kasta oo karaankeeda ah, sii socoshada wada hadaladu waxay ku xidhantahay labada dhinac, go’aankoodana iyagaa u madaxbanaan, annagu waxaanu ciyaaraynaa door walaaltinimo ah oo keliya iyo fududayn. Dhaqankayagu wuxuu yahay in labadii walaalo ee ah wax kala tabanaya inaan dhexdhexaadino oo la kala dhex galo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here