Dawladda Sucuudiga Oo Soo Saartay Qodobo Muhiim U Ah Xoolaha Somalida Ee Badankoodu Ka Dhoofa Dekedda Berbera Iyo Xoolaha Uu Sannadkan Dhoofin Doono Saleban Al-jaabiri

1
963

dhoofka xoolaha

Riyaad(Geeska)-Wasaaradda beeraha ee dalka Sucuudiga ayaa ogolaatay in ay baadhitaankeeda caafimaad ku samayso boqolkiiba 10 sambal oo ka mid ah xoolaha  gaadha dekedaha boqortooyada, iyo in xoolaha lagu arko furuqa (Finan) muddo 15 maalmood ah lagu karantiimeeyo laguna daryeelo maxjarka Alkharmah inta ay ka bogsanayaan, halkii ay awal ka ahayd in xoolaha saran markaba laga helay xanuunkan dhammaantood lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyey. Arrintan ayaa ka dambaysay markii cilmi ahaan la ogaaday in xooluhu aanay xanuunkan u gudbin dadka.

Ganacsade Caadil Alxarbi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in baadhitaanka xooluhu noqon doono mid guud oo si xeel dheer loo samaynayo, kaas oo ah in la baadho dhiigga 300 illaa 500 oo neef oo ka mid ah shixnadda.

Ganacsaduhu waxa uu sheegay in inta badan ee ganacsatada xoolaha Sucuudigu ay go’aankan ka hor iska joojiyeen soo dhoofinta xoolaha iyaga oo ka cabsi qaba in ay la kulmaan khasaare badan oo ka dhasha in xaalad caafimaad darro oo lagu arko neef ka mid ah shixnaddoodu uu keeno in markabka oo dhan dib loogu celiyo dalkii uu ka yiimi, waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha leh weelka xoolaha lagu qaadaa ay qasab kaga dhigaan ganacsatada in ay lacag dheeraad ah bixiyaan marka ay xoolaha dib ugu soo celiyaan dalkii marka hore laga soo raray iyo xoolaha oo muddadaad heer ee ay markabka ku jirayaan jawiga kulul awgii u dhinta.

Dhanka kalana waxa ay wararka ka imanaya dalka Sucuudigu sheegayaan in saddex ganacsade oo ka mid ahaa shan ganacsade oo tartamay ay ku guulaysteen qandaraas ah in ay dalka Sucuudiga geeyaan 950 kun oo neef oo ka mid ah xoolaha loogu talo galay in xujaajtu sannadka  isticmaalaan, tiradaas oo 100 kun oo neef ka badan xoolihii sannadkii hore loo dhoofiyey dalka Sucuudiga, arrintani waxa ay ku timid wada hadal ay galeen ganacsatada iyo masuuliyiinta mashruucan oo ah in la dhimo qiimaha neefka si loo suurtogeliyo ujeeddada mashruucan oo ah in aanu qiimaha xooluhu ku qaaliyoobin dadka xajaya.

Saddexda ganacsade ee ku guulaystay mashruucan ayaa iyaguna soo dhoweeyey dadaalkan qiimaha bararka lagaga hortagayo, iyada oo Sulaymaan Aljaabiri  uu dalka Sucuudiga u dhoofin doono 730 kun oo neef oo qiimaha neefka lagu iibinayaa yahay 350 illaa 360 riyaal oo lacagta Sucuudiga ah, halka uu ganacsade Caadil Alxarbi ka dhoofin doono 165 kun oo neef oo qiimahoodu noqon doono 360 riyaal sucuudi ah midkiiba. Shirkadda Abna Shalawi ayaa iyaduna dhoofin doonta sannadkan xoolo dhan 55 kun oo neef oo qiimaha ay siin doontaa yahay 349 riyaal sucuudi, xilliga ugu dambeeya ee xoolahan la gaadhsiinayo dalka sucuudigu waa 5-ta bisha Dul xaj (bisha xajka), waxaana neef kasta ku xidhan shuruud ay ka mid tahay in uu miisaankiisu aanu ka yaraan 9kg iyo shuruud kale oo dhinaca shuruucda ah.

Xoolaha Soomaalida ee sannadkan tegaya dalka Sucuudiga ayaa badankooda laga dhoofinayaa dekedda magaalada Berbera, iyada oo lacagtana lagu bixin doono kaash maadaama oo aanu jirin nidaam bangi.

Wargeyska Geeska Afrika

Comments are closed.