Dawladda Somaliland Oo Dacwad Ka Dhan Ah Hawada U Gudbisay Caalamka, Kuna Hanjabtay Inaanay Aqbali Doonin In Hawada Hargeysa Laga Maamulo Muqdisho

26
3100

Hargeysa (Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay meel adag ka taagantahay islamarkaana ay wax walba ka xigto in hawada Somaliland ay mamausho dawladda Somaliya, ka dib markii ay hay’adda ICAO khamiistii maamulka hawada Soomaalida ku wareejisay dawladda Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Caalamka u gudbiyeen tabasho u saabsan Maamulka Hawada ee Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu sheegay inay Somaliland masuul ka tahay hawadeeda, biyaheeda iyo dhulkeedaba. Waraysiga Wasiir Sacad, wuxuu u dhacay sidan:

Marar badan ayey Somaliland iyo Somaliya, wada hadleen, heshiisna dhexmaray, waxaans heshiiska qayb ka ahaa in Somaliland iyo Somaliya wada maamulaan hawadooda, markaas maxa keenay in Somaliya lagu wareejiyo?

Heshiisyo ayaa jiray, ilaa lix jeer baynu galnay Shirar,marka laga soo bilaabo sannadkii 2011, 2013, 2014, 2015 iyo sannadkan sii dhammaanaya ee 2017, markaas intaas wada hadalkeenu wuxuu ku saabsanaa sidii aynu si wada jir ah u maamuli lahayn Hawadeena, markaas waxaad mooda in arinkaas ay baalmareen, inaguna arinkaas arin aynu aqbalayno maaha, hawadeena cid aan inaga hayni kama talin karto, cid kale oo sugi karta in diyaaraduhu si nabadgalyo ah ku maraan hawadeena ma jirto, waana wax xaqaaqiq ah, hab iyo qalab lagula xidhiidho diyaaradahana weynu leenahay, markaas inaga oo doonaynin inaynu khal-khal galino socdaalka dadka iyo diyaaradaha hawadeena haddana xaq ayeynu u leenahay inaynu muujino inaynu inagu awood u leenahay, xaqna u leenahay inaynu maamulno hawadeena.

 Hay’adda ICAO muddo aad u dheer bay maamulaysay Hawada Somaliland iyo Soomaaliya, markaas waa maxay baahida keentay in si toos ay Somaliya maamulka Hawada loogu wareejiyo, se Caalamka ma gaadhsiiseen arintan?

Wadamada Caalamka cabasho waanu gaadhsiinay, ICAO-na, waa loo qorayaa iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ICAO, ay Qaramada Midoobay ka tirsan tahay, in si badheedh ah oo kaliya ay Somaliya ula wareegto Maamulka Hawada, oo ay ku jirto Hawada Somaliland, in Hawadeenana lala wareego arin aanu sinaba u aqbalayno maaha, waxaanu leenahay saddex xuduudood, oo ah xuduuda dhulka, xuduuda badda iyo xuduuda hawada, saddexda xuduudba inaga ayaa ka talina, markaas in cid kale ka taliso ma ogolin, Caalamkana sidaas ayaanu u sheegaynaa.

Ma la odhan karaa mar haddii aanay Somaliland aqoonsi ka helin Beesha Caalamka, awgeed ayaa Somaliya loogu wareejiyey Maamulka Hawada?

Waa la og yahay Caalamkuna wuu ka war qabaa in Somaliland ahayd Wadan, isla markaana Somaliya ka hor qaadatay madax-banaanida, Somaliland iyo  Somaliyana waxay ahayeen laba dal oo isku tagay, markii dambena dib ayey Somaliland xoriyadeedii ka luntay ula soo noqotay, maantana Somaliland wey isku tashatay, horumar balaadhan oo dhinac kasta ahna wey gaadhay, haddii ay tahay Dimuqaraadiyada iyo Siyaasadaba, waxaana xaqiiqo ah in boqolkiiba todaba iyo sagaashan (97%), Shacabka reer Somaliland ay u coddeeyeen Dastuurka iyo in aanay dib dambe ula midoobin Somaliya, markaas in aanu Somaliya ahaano laba dal oo jaar ah ayaa haboon, Somaliyana kama taliso Somaliland, inay Hawadayda ay maamushana wax aanu yeelayno maaha.

Haddii Beesha

Caalamka,Qaramada Midoobay iyo Somaliya ay ku adkaystaan mawqifkaas iyo go’aankaas Somaliya loogu wareejiyey Maamulka Hawada Somaliland, Xukuumad ahaan maxa idinla gudboon?

Haddii ay taasi dhacdo Somaliland talaabada ku haboon ayey qaadan doontaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here