Cadbilaahi Jawaan Oo Maayarka Hargeysa Ka Codsaday Waddo Biyaha & Nolashu U Soo Marto Xaafada Faarax Nuur

49
3959

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa maayarka iyo golaha deegaanka Hargeysa ugu baaqay inay waddo biyaha iyo nolashu ay u soo marto loo furo xaafada Faarax Nuur ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu Cabdilaahi Jawaan ku baaqay in wadadii kaliyaata ee ay mari jireen la dhisay isla markaasna afar maalmood aan xaafadaas wali la hayn waddo sax ah oo loo maro,waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Xaafada Faarax Nuur ee   Hargeysa gudaheedii ah maanta haddii qof ku dhinto meel loo maro ma laha, wado biyo ay ka soo baxaan ma jirto, halis waxaanu ugu jirnaa dabka oo wado dab damisku uu soo maraa ma jirto, wadadii ay mari lahaayeen gaadiidku ee xaafadaas oo buurina ay dhanka danbe kaga gudbantahay waxa ay u baahan tahay cagaf lagu baneeyo, waxa jirtay nin baloodh uu lahaa oo dadku ay dhex mari jireen kiina afar casho ka hor ayuu afar lawdh oo dhagax ah ku rogay,anigu hadda waxaan ka soo laabtaa wadada shishe ee masalaha meel 4-km aan ka yarayn.”

Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Dumarka xaafada oo tagay dawlada hoosena waxa lagu yidhi Hargeysaba ma tihidine naga taga, meeshaas dhibaato ayaa ka taagan, dhismayaal badan oo cusub ayaa ka socda, markaas waxaan u soo jeedinayaa maayarka iyo golaha deegaanka ee magaalada loo doortay, dawlada hoose dakhligii aqaladaas la dhisaayo waa ay ku waayaysaa, markaas maamul gacanta ku haya ayaan jirin oo meeshii kala haga,doraad baan tagay degmada oo cagaf ayaan u soo diraynaa oo waanu banaynaynaa wadadaas ayuu yidhi ilaa haddana lama hayo oo dadkii meel biyo u soo maraan ma jirto,dadkii waxay ku dhawyihiin in la banaan baxo oo xukuumadii iyo dadkii baa layska horkeenayaa,maayarka waxaan ugu baaqayaa in meeshii degdeg loo yimaado.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here