Berbera Oo Ay Ku Soo Bateen Muranada Dhulku Intii Maalgashiga DP World Yimid

31
3330

Hargeysa(Geeska)- Guddoomyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dacwadaha dhulku ay sare u kaceen iintii Berberi heshay maalgashiyada kala duwan. Waxa uu guddoomiyaha maxkamada sare oo mudooyinkii ugu danbeeyay gobalada dalka dib u eegis iyo dhagaysiyo dacwadeed ka waday uu gaadhay Berbera, magaaladaas oo uu ku tilmaamay inay hore u ahayd meelaha ugu dacwadaha yar dalka, isla markaasna ay hadda aad sare ugu kaceen dacwadaha dhulku.

Wwaxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Saaxil anigu hordhac ayaan u ahay kooxihii waa ay imanayaan waanay fadhiisanayaan anigaana u sii gogol xaadhaya waana gobalka ugu dacwadaha yar marka runta laga eego, hada waxa soo bilaabmaya muranada dhulka sababta oo ah dhulkii hadda waa tan Berberi qaaliyoowday ee maalgalintu ku soo badanayso ee laysugu soo shubmay, waayo hadda waxaanu dareenay labada magaalo ee toos maxkamada sare iyo gudiyada dhulku ay ka shaqeeyaan waa Hargeysa iyo Berbera.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here