“7-Dii Sanno Ee La Soo Dhaafay Meeqaamka Somaliland Ee Caalamku Aad Buu Hoos Ugu Dhacay”

30
2635

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay kal-fadhigii shalay ee Barlamaanka Somaliya ku diideen heshiiska saddex geesoodka ahaa ee Dekadda Berbera, waxaanu wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Barlamaanka Somaliya cod u qaadan dal iyo dad aanay xukumin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalada Somaliya, oo uu sheegay in wax faa’iido ah oo ku jiraa aanay jirin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Marka hore Somaliya kaaf iyo kala dheeri bay kala joognaa, Barlamaanka Somaliyana maaha Barlamaan la soo doortay, waana Barlamaan ku yimid Beelo, kuwa la yidhi Somaliland bay mataalaana waa kuwa laga yab-yabay Xamar, shacabkeenuna may dooran, Wakiilna inoogama aha, arinkana waa arin af laga yidhi, wax ina quseeyana maaha, inaguna xoriyadeenii inaga luntay lixdankii waxaynu kala soo noqonay Somaliya 1991,oo waxaynu ku soo noqonay halkii aynu lixdankii taagnayn, inagoo ah Dawlad xor ah, waxayna lixdankii inagu raadinaynay midawgii Shanta Somalida,midawgaasina waxay noqotay madhalays,   inagoo dawlad dhan Somaliya geynay, ayaa wax waliba ay iyagu isku qiyaaseen, sida suudhka, haddii ay tahay Madaxweynihii, haddii ay tahay Raysal-wasaarihii, haddii ay tahay Jananadii Ciidamada haddii ay tahay Barlamaankii,markii uu Siyaad Bare qabsadayna waa tii halkan Somaliland noqotay hal bacaad lagu lisay, oo inagoo ku dhacnay af weyn, cadaadis, dil iyo xasuuqba loo geystay dadkeenii weynagii dib ula soo noqonay xoriyadeenii, nimankaas iska coddeeyey, waa niman aanu waagu u bariyin, Somaliland shaqo kuma laha mana maamulan, Somaliland waxay leedahay Madaxweyne la doortay, Barlamaan la doortay, Golayaal Deegaan la doortay, waxay leedahay Garsoor madax banaan, markaas wax alaale waxay Somaliland ka qaadi karaan ma jiraan”.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka ay Somaliland ku joojisay wada hadalada “Wada hadalkaasi waa arin madhalaysa, nimanka Somaliya ee leh aynu wada hadalo, car ha qiraan inaynu ahayn Dawlad u timid,waa niman aad mooda aaminsan yihiin inay ina xumaan, inay inoo taliyaan,  wada hadalkaasina is qabsi mooye wax micno leh uma arkaayo, aniguna waxaan ku talinayaa in la joojiyaba wada hadalkooda, maxa yeelay waa wakhti lumis, lalama hadli karana nin ku leh aniga ayaa ku leh, aniga ayaa ku taliya, aniga ayaa ku Madaxweyne ah, nin aan afarta sakadood ee Xamarba la talin, ayaa ina sheeganaya, mida kale Madaxweyne Shacab Somaliya soo doortay, oo sita awoodooda ayey wax ka go’aan, kaalin imika sida la og yahay Somaliya inta Madaxweyne ee ka jira iyo siday u sii kala go’day weynu arkaynaa, Madaxweynahana cid gaar ah ayaa dooratay, markaas Madaxweyne kalsoonida shacabkiisa haysta oo Somaliya ka jiraa ma jiro, markaas wada hadaladaasi waa gacmo daalis, ee ha la joojiyaba, haddii uu sii soconaya waa in lagu xidhaa hal shardi oo ah inay Somaliya aqoonsato inaynu ahayn laba Dawladood oo lixdankii isku yimid, iyagoo laba Dawladood ahna isku biiray,markay taas aqoonsadaan ayaa lala hadli karaa, oo wada hadalo furmi karaan, laakiin nin ku leh waxaad tahay xoolahaygii aan soo xaraystay, ninka la hadlaya ayaa waalanba”.

Mar uu ka hadlaayey mawqifkii Xukuumaddoodii UDUB ee Somaliya iyo qaabka ay ku furtay Xukuumaddii hore ayaa yidhi “Todobadii Sanno ee la soo dhaafay meeqaamka Somaliland ee Caalamku aad buu hoos ugu dhacay, waxaana sabab u ah wada hadaladaas Somaliya lala furay, oo qaabkii loo baahnaa aan loo abaarin, anaguna dabar baanu iskaga xidhnay, oo waxaanu ku xidhnay Somaliya shuruud ahayd marka aad aqoonsataan inaynu ahayn laba Dawladood oo isku yimid, haddana kala noqday markaas ayeynu wada hadli karnaa, oo anaguna wax kaleba waanu ka diidnay”

Mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo waxa kala gudboon Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waxa la gudboon inay xudaheeda xoojiso, oo wax walba uga diyaargawdo, mustaqbalka soo socda,  cudud ahaana waa inaynu Somaliya gees walba uga diyaargawno, oo wax kasta oo inagu yimaada waa inaynu diyaar u ahaana, talaabooyinka dambe ee ay Somaliland qaadi doontana waa inay ka yeelata qorshe dheer oo fog”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here