Xuska Maalinta Akhriska Iyo Wax-qorista Adduunka Oo Somaliland Si Balaadhan Looga Xusay

0
636

Picture3Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey Xuska Maalinta Akhriska Iyo Wax-qorista aduunka oo ku beegnayd maalintii shalay ahayd ee 8.Seb.2014-kii ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa. Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa hal-ku dhiga Sanadkan oo ahaa Far-barashadu waa aas-aaska nolosha wanaagsan,ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin sar-sare oo ka socotay Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare,Masuuliyiin ka kala socday Haayadaha gaarka ah ee sida aadka ah uga shaqeeya horumarinta Akhriska Iyo Wax-qorista,Aqoonyahanad Dr:Adna Aadan Ismaaciil,Xildhibaano,Arday fara-badan oo ka socday Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Md:Xusseen Daahir Rooble oo ka mid ah Masuuliyiinta Sar-sare ee Wasaarada Waxbarashada,gaar ahaan qaybta Wax-barashada dadban ee Wasaaradaas,waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada ay munaasibadani u soo qaban qaabiyeen ka Wasaarad ahaan, Isaga oo carabka ku dhuftay in ay Xuskan maanta kala qayb qaadanayaan beesha caalamka oo si weyn maalintan oo kale u xusaysa.

"Ujeedooyinka laga leeyahay Maalinta Wax-Akhris,Qorista ama dal ahaan iyo dad ahaanba aynu ka leenahay,Waxa weeye in aynu kala qayb galno caalamka Xuska Maalinta qaaliga ah ee wax akhris qorista,qodabka Labaadna waxa weeye in iyadana arrintaas dood ku saabsan faa'idooyinka ay Wax-akhris,qoristu u leedahay bani Aadamka lau falanqayn doono oo ay halkan ka soo jeedin doonaan Aqoon yahano fara-badan oo dhinacyo badan oo kala duwan ka eegi doona"Md:Xusseen Daahir Rooble.

Waxaa sida oo kale Munaasibadaasi ka hadlay Masuuliyiin aad u tira badan ku waasi oo dhamaantoodba iska daba maray muhiimada ay leedahay in kor loo qaado Akhriska Iyo Wax-qoristuba,waxaana ay isku raaceen in Akhriska iyo Wax-qoristuba ay Aas-aas u yihiin horumarka nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada caalamka,sida oo kalena suurta galinaysa in ay bulshadu ay horumar dheeri ah ka gaadhaan dhinacyada aqoonta oo wakhti xaadirkan  ah shayga kaliya ee ay Umadduhu ku kala horumareen.Waxaana ay si wada jira ugu soo jeediyeen in lagu dadaalo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka Akhris iyo Wax-qoris ee bulshada.

Dr:Edna Aadan Ismaaciil oo ah aqoonyahanad reer Somaliland ah oo iyaduna  halkaasi ka hadashay,ayaa dhankeeda waxaa ay ka xogwarantay doorka Haweenka Somaliland ay waxkhti xaadirkan aqoonta ka gaadheen iyada oo isbar bardhig ku samaysay haweenka maanta wax barta iyo ku wii waagii ugu horeeyey lagu bilaabay dugsigii Hablaha ee Magaalada Burco,waxaana ay ka markhaati kacday in bulshada Somaliland ay leedahay Haween aad u tira badan oo Aqoon yahan ah ku waasi oo qaarkood ay Jaamacado heer caalami ah ay wax ka dhigaan. "Waxbarashadu marka hore runtii markii la furay gabdhahu xoog ayaa ay wax u barteen hadday tahay Caafimaad iyo haday tahay aqoon korodhsi dheeraad ah oo ay meelo kale u raadsadaanba hablo badan oo mutacalimiin ah ayaa aynu haysanaa oo dhan walba inaga fadhiya,Waxbarashadu qofka uun ma anfacdee qaranka oo dhan ayaa ay anfacdaa,Umadday anfacdaa,Ehelkay anfacdaa,Ubadkay dhalaanbay anfacdaa,Inta agjoogta ee kale ayaa ay anfacdaa.Markaa maalintan la xusaayo ee Wax aqrisku waa maalin aad u qaali ah  waayo sida uu seesku aas aaska wax dhiska uu sal ugu yahay ayaa wax akhriska iyo wax qoristuna ay aas aas ugu yihiin horumarka iyo wax wada qabsiga iyo kor uqaadida tayada aqooneed ee umadda"Ayey tidhi Dr:Edna Aadan Ismaaciil.