Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Si Isku Mid Ah Uga Hor-Yimid Amaawiir Ka Soo Baxay Soomaaliya

0
124

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cambaareeyay go’aankii ay dowladda Soomaaliya amarka joojinta isticmaaalka magaca Somaliland ku dul dhigtay xawaaladaha lacagaha.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen  Cabdi, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in go’aamada dowladda Soomaaliya aanay waxba  ka badali doonin qadiyadda JSL.

“Somaliland kumay iman sheeko iyo waraaqo la qoro, ee dhiig iyo xinjiro cas cas ayay ku qotontaa, haddana haddii loo baahdo diyaar ayaa loo yahay in lagu ilaaliyo, Somaliland waa himilo shacab magac websayd laga saarayna ma badali karo” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal leh xuduudo la yaqaano, iyo taariikh ka duwan ta Soomaaliya, “Somaliland waa dal leh halgan dheer oo uu xornimadiisa dib ugula soo noqonayay, waxan qiyaasayaa in anay taariikhda si fiican u dhuganin” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in go’aanada dowladda Soomaaliya ay gobolka ka

abuurayaan xasarad isla markaana ay dh alin doonto cadaawad iyo colaad, waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasadaysay ganacsiga iyo socdaalka taasi oo uu sheegay in anay badali doonin go’anka Somaliland.

Waxa uu sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ay cadaawad u muujiyeen Somaliland, isla markaana anay jirin cid ixtiraamaysa Somaliland haddii aan la helin ciidamo awood leh, iyo shacab midaysan.

Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa kasoo horjeedsaday go’aan ay dowlada Soomaaliya ku amartay shirkadaha

xawaaladuhu in ay magaca Somaliland ka saaraan mareegaha ay maamulaan.