Xukuumadda Somaliland Oo Dawladaha Carabta U Caddaysay Sababta Aanay Mar Kale Ula Midoobayn Soomaaliya

0
17

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda JSL, ayaa dunida Carabta u bandhigtay sababta ay u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Dawlada Masar ku lahayd Caasimadda Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland waxa kale oo ay ka hadashay fashilkii ku yimid Midowgii Somaliland ee Somaliya. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali X.Maxamed (Cali-mareexaan) oo u warramay Telefiishanka Al-carabiya oo ka mid ah Warbaahinta Khaliijka Carabta, ayaa sheegay in aanay marnaba suurto-gal ahayn in  Somaliland dib ula midowdo dalka Somalia “Midowgii aanu la galnay Soomaaliya wuxuu ahaa mid fashil ah, in aanu dib ula midownaana maaha wax suurto-gal ah..”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, isagoo intaa raaciyey in JSL xilligan dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi buuxa.

Wasiirka oo la waydiiyey sababta Dawladdu u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Masar ku leedahay Hargeysa, ayaa sheegay in xidhista Maktabadda dhaqanku ay salka ku hayso in hawl-wadeennadeedu faraha kula jireen wax ka duwan sababtii markii hore loo aasaasay.