Xukuumadda Oo Waqti Aan La Cayimin Dib U Dhigtay Ciyaarihii Gobollada Iyo Sababaha Loo Aanay Karo

0
489

Picture6Hargeysa (Geeska)- wareegii labaad ee ciyaaraha gobollada Somaliland oo maalmahanba la sugayey ayaa shalay si kedis ay u soo baxday in uu dib u dhacay.

Xulalka gobolada u soo baxay wareegga labaad ee ciyaarahan, gaar ahaan kuwa bariga oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa isuna diyaarinayey ka qaybgalka wareegga labaad ee ciyaarahan oo ka qabsoomi lahaa garoonka Hargeisa Stadium ayaa shalay lagu wargeliyey in aanu jirin waqti rasmi ah oo loo qabtay wareegga labaad ee ciyaaraha, sidaa awgeed ay tahay in ay dib ugu noqdaan gobolladoodii kana war sugaan wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada.

warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijyey in shalay Xulalka gobolada, Sool, Sanaag, Daadmadheedh iyo Xaysimo oo dhammaantood Hargeysa ku sugnaa loo sheegay in ay dib u noqdaan laguna wareejiyey kharashaadka ku baxay intii ay joogeen caasimada iyo ambabaxooda, waxa uu warku intaas ku daray in lacagtaas ay bixinteeda iska kaashadeen wasaaradaha maaliyada iyo madaxtooyadu.

Agaasimaha wasaarada ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyey arrintan ayaa xaqiijiyey in gobolladaas la ambabixiyey, waxa aanu sheegay in aanu marka horeba jirin waqti rasmi ah oo ay wasaaraddu u qabatay qabsoomidda wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada, waxa aanu gobolladaas yimid ku tilmaamay kuwo iyagu soo degdegay. isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “goboladaasi sidaas ayey ku noqonayaan waana afartaa gobol ee markii horeba iyagu soo degdegay, iyaga iyo kuwa kalaba mar ayaa loo wada yeedhayaa”.

Agaasimuhu waxa uu caddeeyey in aanu jirin waqti go’an oo ciyaarahaas loo qabtay, waxa aanu hoosta ka xariiqay in ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorame ahayn kuwii rasmiga ahaa, balse uu ku tilmaamay is-reeb-reebkii loogu soo baxayey kuwa rasmiga ah, isaga oo arrintaas iyo sharraxaada ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorama ka hadlayana waxa uu yidhi, “Boorama iyo Burco wixii ka dhacay is-reeb-reeb ayuu ahaa oo waxa loo soo baxayaa waa tartankii rasmiga ahaa, markaa kaas goorta la doono ee wakhtigiisa la sheego ayuunbuu dhacaya oo anagu wali maanu odhan maalintaas iyo bishaas ayuu dhacaya. Markaa marka aanu si dhaba u sheegno ayaa la odhan karaa wakhtigii aad sheegteen dib ayuu uga dhacay.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xuseen Dhabeeyey oo ka hadlaayey mudaynta ciyaaraha gobolada.

Ciyaaraha gobollada ee sannadkan oo wareeggooda koowaad ka dhacayey Burco iyo Boorame ayaa waxaa la soo dersay rabshado iyo xasarado mararka qaarkood keenay dhimasho iyo khasaare kale, waxaa iyaguna jiray warar aan rasmi ahayn oo maalmihii u dambeeyey sheegayey in wasaaradda ciyaaruhu aanay wax kharash ah u haynin qabashada wareegga labaad ee ciyaarahaas oo ay ahayd in ay Hargeysa ka dhacaan, dad badan ayaana is casilaaddii wasiirka ciyaaraha ku xidhiidhiyey kharash la’aantaas.