Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Dambaysay Gubitaankii Calanka Waddani

0
477

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii cadaaladda ee xukuumadii Madaxweyne Rayaale Md. Aadan Dhoole-yare ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay ka dambaysay qorshe dab lagu qabad siiyay calanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo ay wiilal dhalinyaro ahi xaafadda calaamadaha ku gubeen Axadii.

1

Mr. Dhoolayare oo ka mid ahaa siyaasiyiin culus oo ku biiray xisbigaas Axadii, ayaa wuxuu weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV u  sheegay in xukuumadda Somaliland ka dambaysay arrintaas soona adeegsatay dhallinyaradaas. “Xaflad wanaagsan oo balaadhan ayaa noo dhacday markii aanu ku biiraynay Waddani, nasiib darro inamo xaafadda ah oo ay xukuumadu si khaldan u soo adeegsatay, oo aan garanayn waxa kaga iman doona inay isla rogayso ayaa taayiro ku gubay wadada halbawlaha ah ee madaarka, adduunka lama arag xukuumad mudaharaad ku samaysa xisbi mucaarad ah. Xukuumadu halkay dhallinyarada uga samayn lahayd shaqo abuur iyo waxbarasho waxay u adeegsanaysaa inay nabadgelyada ku khalkhaliso.” ayuu yidhi Mr. Dhoolayare.