Xukuumadda Oo Beelihii Ku Dagaalamay Degaanka Ceel-Afweyn Dul Dhigtay Amaro Culus

23
3636

Sanaag(Geeska)-Xukuumada Somaliland ayaa amaro hordhac ah dul dhigtay beelaha dagaalka soo noqnoqdaa uu ku dhex maray deeganka Ceel-afweyn ee gobalka SAnaag, waxaana qodobadaas ka mid ah in xukuumadu ay gacanta saarayso ciidan beeleedkii isaga oo meel ku urursan la arko iyo in aan wax hub ah lala iman karin tuulooyinka,ceelasha iyo goobaha lagu kulmo.

Waxa ay xukuumadu sheegtay in si balaadhan looga garniqi doono dhibaatada dadkaas ka dhex dhacday shir Khamiista laysugu iman doono, waxaanay meesha ka saartay beelaha dagaalamay odayaashooda in ay xidhayaal noqdaan.

Guddoomiyaha gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo ku dhawaaqayay qodobadan ay xukuumadu soo saartay, iyada oo halkaasna uu ku sugan yahay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wafti la socdaa waxa ay kala yihiin:

1-Laga bilaabo maanta in aan la arki karin wax ciidan beeleed ah oo meel ku urursan,cidii ciidan meel ku urursan ah ee la arkana in gacan dawladeed iyo duulimaad dawladeed ayaa ku dhacaaya,si aanay taasi ugu dhicin waa in qolo waliba ay kala dirto waxii ciidan meel u jooga.

2-Waxa la amray in aan la arki karin cid alle iyo cid qori la soo gali karta magaalo,tuulo ama ceel laysugu yimaado, ka lagu arko ee is dhiibi waaya xoog ayaa lagaga qaadayaa waliba maxkamadna waa loogu darayaa.

3-Cid kasta oo hadal ama af ama taakulayn kaga qaybqaadata shaqaaqadaas inay sii huriso iyadana in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan darajo kasta oo uu leeyahay.

4-in aanu xukuumad ahaan soo diyaarino cida xidhaha u ah labadan qolo oo laga saaray Sacad Yoonis iyo Biciidaba oo xidhayaashooda laga dhigay cidda reer Sanaag ah ee ugu dhaw labadooda.

waxa raaca qodobadii ay guuritdu soo jeedisay oo ah inay qolo waliba keensato 21 xubnood oo shirkaas uga qaybgala oo ay ka mid yihiin dadkii dhibanaha ahaa ee dadku kaga dhintay, waxaana la amrayaa in labada qoloba ay soo diyaar garoobaan Khamiistana ay golaha yimaadaan, labada qolobana waa ay aqbaleen, culimadii reer Ceel-afweyn oo nala joogtayna way noogu ducaysay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here