Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Ku Baraarugay Labada Kursi Ee Ay Guddi Hoosyaada Wakiilada Ka Heleen Rayte Iyo Ibrahim Buubaa

0
531

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee is huwan ayaa la jaho-wareeray labada guddi ee ugu muhiimsan guddiyada golaha wakiilada ee cusub, kuwaas oo hantiyay xisbiga Waddani oo ah xisbiga uu hoggaamiyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Guddiyada cusub ee uu isku shaandhaynta ku sameeyay guddoomiye Cirro, ayaa badankoodu doortay guddoomiyayaashii hoggaamin lahaa, kuwaas oo badankooda tartan loo galay. Laakiin labada guddi ee ugu muhiimsan guddi hoosaadyadan oo kala ah guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada iyo guddiga arrimaha gudaha, ayaa waxa hantiyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo u muuqda inuu dheelitirayo awooda xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada waxa loo doortay xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ah afhayeenka xisbiga Waddani, waxaanu ka adkaaday xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka tirsan hoggaanka KULMIYE, waxaanu xildhibaan Buubaa guddoomiye ka noqday guddiga ugu awooda badan golaha wakiilada. Sidoo kale xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte ayaa isna loo doortay guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiilada, waxaanu codayn la qaaday kaga adkaaday xildhibaan Cali Mareexaan oo isna ka tirsan xisbiga KULMIYE.  Sida muuqatana waxa ay labadan mudane ee Waddani ka tirsani ka adkaadeen laba mudane oo ka tirsan KULMIYE.

Marka uu xisbiga Waddani hantiyay guddoomiyayaasha labadan guddi, wuxuu u muuqanayaa inuu awood ku yeelanayo gudaha aqalka golaha wakiilada. Inkastoo uu xisbiga KULMIYE isna helay guddoomiyayaasha guddi hoosyada qaarkood, haddana marka la barbar dhigo labadan guddi hoosaad waxa muuqata in xisbiga Waddani uu xisbiga KULMIYE ka adkaaday.

Inkastoo aan si rasmi ah loo hubin, xukuumadda ayaa la soo sheegayaa inaanay jeclaysan labadan kursi ee ay ku guulaysteen Rayte iyo Buubaa oo ah laba mudane oo hal-adag marka la eego halbeega lagu qiyaaso mucaaradada. Waxase la iswedyiinayaa qorshaha ay xukuumadu ku waajihi doonto guddi hoosaadyadan is doortay, maadaama oo uu aqalka golaha wakiiladu ka madaxbanaanyahay xukuumadda.