Xogo Caafimaad Oo La Xidhiidha Cudurka Ebola, Sababaha Keena Iyo Hababka Looga Hortegi Karo

0
1022

Picture2Hargeysa (Geeska)- Warka muwaadinka u dhashay dalka Spain ee uu toddobaadkii hore ku dhacay cudurka khatarta ah ee Ebola Virus ayaa dunida oo dhan ka abuuray argagax iyo cabsi ah in cudurkani si sibiq ah ugu faafi karo meel kasta oo dunida ka mid ah. Waxa uu warka hore ahaa in cudurkan laga filayo gudaha dalalka Galbeedka Afrika iyo dadka ka yimaadda ama u safar meel kasta oo ay tagaan, laakiin taasi waxa ay beenowday markii muwaadinkan reer Isbayn oo aan tegin dalalkaasi uu dalkiisa gudihiisa ku qaaday cudurkan.

Haddaba Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa maanta la wadaagayaa qormadan oo uu ugu soo gudbinayo talooyin caafimaad oo ay ururrada iyo hayadaha caafimaadka ee dunida oo ay ku jirto hayadda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO ka bixinayaan cudurkan si looga hortago in uu intaas hadda ka badan ku faafo. Cidda cudurka aadamahha ku imtixaanta, dawadiisana ku nimcaysaa waa Ilaahay, laakiin waxaa hubaal ah in cudur kastaa uu leeyahay sababo iyo qaab sababahaas looga hortegi karo.

Asalka hore ee cudurkan:

Sida ay hayadda caafimaadka adduunku xaqiijisay, cudurka Ebola virus waxa uu aadamaha ka soo gaadhay dareere, dhiig ama xubno xayawaan cudurkan qaba oo jidhkooda taabtay. Hayadda WHO waxa ay sheegtay in bilowgii cudurkani dadka galbeedka Afrika ee cudurka bilowgiisii ka curtay uu ka soo gaadhay jidhkooda oo la fal-galay daanyeerka noociisa Guriilaha loo yaqaanno oo qaba cudurkan. Sidoo kale waxaa jira xogo caafimaad oo sheegaya suurtogalnimada in cudurkani dadka qaar ka soo gaadhay shimbirta Fiid-meerta oo cudurka qabta, waxaana dadka galbeedka Afrika lagu yaqaannaa cunitaanka hilbaha labadan xayawaan.

Ka hortagga:

– In qofku uu gacmihiisa ku maydho dareerayaasha nadiifiya jermiska, mar kastana ku dadaalo in ay nadiif ahaadaan, gaar ahaan xilliyada uu isticmaalo suuliga ama si uun gacmihiisu u gaadhaan meelo cudurka iyo guud ahaan Jeermis baadi u yahay.

– In qofku aanu dhayalsan calaamadaha cudurkan oo ay ugu muhiimsan tahay, xummad aad u badan oo uu ku bilowdo, si dhaqso uu qofku dhakhtarka ugu tago, waxa aanu u baahan yahay karantiimayn iyo daryeel caafimaad oo u dhexeeya 2 illaa 21 maalmood.

Calaamadaha Cudurkan waxaa ka mid ah:

1. Madax xanuun.

2. Xaglaha iyo xubnaha oo qofka xanuuna.

3. Taag-darro badan.

4. Shuban.

5. Matag.

6. Doonista cuntada (Amateedka) oo qofka ka xidhanta.

7. Iyo Mararka qaarkood dhiig bax, sanka imw. Ah.

Kuma Gudbo:

Inta badan marka ay cudurradu dillaacaan waxa ay dadku ku jaahwareeraan qaabka loo kala qaadi karo cudurkaas, iyaga oo mararka qaarkood ay dhacdo in la dayaco qaababka qaar, taasina ay keenta in uu xoog u sii faafo, ama in laga badbadiyo oo qofku uu qaado shaki ah in uu cudurka ka qaado wax yaabo aanu kuba gudbin. Haddaba hababka cudurkani aanu ku gudbin ee ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen waxaa ka mid ah:

1. Cudurkani sida Hargabka (Durayga) iyo Jadeecada hawada kuma gudbo.

2. Jidhka oo is taabta cudurkani kuma gudbo. Sida uu caddeeyey agaasime-ku-xigeenka xarunta Qaranka ee cudurrada ee dalka Maraykanka Stefan Monroe.

3. Dhididka ayaan isagana illaa hadda lagu arag wax caddaynaya in uu cudurkani ku gudbo.

Waa uu ku gudbaa:

Cudurkani siyaabaha uu ku gudbo waxaa ka mid ah:

1. Waxa uu ku gudbaa qofka oo bed-qaba oo uu gaadho dareeraha ka soo baxa jidhka qofka cudurka qaba.

2. Qofka oo taabta ama ay si uun u gaadhaan dhiiggiisa qalabka caafimaadka ee loo adeegsaday daweynta qofka buka, sida Irbadaha, dharka wasakhaysan ee qofka buka dheecannadiisu gaadhaan iwm.

3. Hayadda caafimaadka adduunku waxa ay caddaysay in saxarada iyo mataggu ay yihiin kuwa ugu badan ee sababa in cudurku gudbo.

4. Caanaha hooyada, kaadida, manida (Biyaha ragga) dhammaantood waa uu ku gudbaa cudurkani.

Dhareerka iyo candhuufta qofka qaba, waa suurtogal in cudurkani ku gudbo, laakiin hayadda caafimaadka adduunku waxa ay u tilmaamtay in ay taasi aad u xaddidan tahay, haddii aanay is gaadhin dareeraha jidhka buka iyo kan caafimaadka qabaa.

5. Maydka qofka u dhintay cudurka Ebola Virus oo uu gaadho jidhka qofka caafimaad qabaa ayaa iyaduna keeni karta in uu cudurku gudbo.

Digniin Caafimaad:

Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo in cudurkan ay qaadi karaan xayawaanno kale oo aan ahayn labada aynu soo sheegnay ee Daanyeerka iyo Fiid-meerta, sidaa awgeed, ayaa ay haayadda Caafimaadka adduunku ay si adag uga digaysaa hilbaha xayawaanka duur-joogta ah, oo ku talisay in laga dheeraado.