Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xisbigaas, isaga oo is casilaadiisa ku sababeeyay inay xisbigaas kala aragti noqdeen.
Waxa uu Cabdirashiid Xasan Mataan daboolka ka qaaday in haatan ay la qumanaan weyday ka sii mid ahaanshaha xisbiga Waddani, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa'id oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi"Waxaad ogaydeen inaan ka degay faraskii xisbiga Ucid 23-11-2015-kii kadib markii aan arkay fashilkii xisbiga oo uu hogaaminayay guddoomihii xisbigu Faysal Cali Waraabe, waxaan ahaan lahaa mucaarad adag waxaan jeclaa inaan halkii ka sii wado mucaaradadii, waxaan u holaday inaan ku biiro xisbiga Waddani waxaanan galay 9-2-2016 halkaas si weyn ayaa laygu soo dhaweeyay aniguna waxaan is lahaa waxaad xoojin doontaa xisbiga waanad ku biirin doontaa waxii sixitaan ah, waxaad ogtihiin in muddo sanad ah ay warbaahintu i baafinayeen mawqifka aan ka qabo xisbiga,maadaama oo aan ka dhex muuqan shaashadaha xisbiga Waddani, haddaba maanta waxaan idiin cadaynayaa sababihii aan uga maqnaa shaashada xisbigu inay ahayd saluug aaan ka qaaday hanaanka maamul, nidaamka ollolaha, hiigsiga xisbiga iyo hoggaamintiisaba."
Cabdirashiid Xasan Mataan oo is casilaadiisa ku dhawaaqayay waxa uu yidhi"Sidaas darteed waxaan ku qancay in aanan la sii socon karayn xisbiga Waddani, waxaanan halkan ka cadaynayaa in aan ka baxay xisbiga Waddani, siyaasadu maaha mid taagan waa mid mar walba u baahan qiimaynteeda iyo go'aan qaadashadeeda, qaran hogaamintiisu waxay u baahan tahay hiigsi ay runtu hogaaminayso, hiigsi ay daacadnimadu hagayso, hiigsi leh aragti fog , hiigsi ay ka maqan tahay danaysi shaqsi oo lagu danaysanaayo xisbiga laguna gaadhayo tartan, waxaan u mahadnaqayaa bulshadii aanu soo wada shaqaynay mudadii aan joogay xisbiga Waddani, bulshadii ku qanacsanayd hogaamintayda iyo taageerayaashaydii oo intooda badan ila qabay saluugan, waxaan leeyahay waakaas go'aankaygii, waxii talo ah ee danta guud ee Somaliland iyo ta gaar ee gobalka Awdal waxaynu ugu tashan doonaa dib."
Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa hore musharax madaxweyne-xigeen uga ahaa xisbiga Ucid, kaas oo uu ugu danbayntii iska casilay.