Xoghaye-xigeenka Waddani Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Ku Dagaalamay Gobalka Sanaag

0
497

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay iska hor imaad Laba Beelood ku dhex maray  Magaalada dheebaado ee Ceerigaabo oo qof ku dhintay, waxaanu ku baaqay in xaalada la dejiyo, oo wada xaajood iyo nabada lagu soo dabaalo.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa sheegay in haddii ay dhib yari dhacdaba in Xukuumaddu u adeegsato Ciidan, isaga oo sheegay inay Ciidanku yahay marxalada ugu dambaysa ee la adeegsan karo, balse ay ku doonayso inay Doorashada dibi ugu dhigto, waxaanu yidhi isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya  “Waxaan leeyahay Shaqaaqada ka taagan Gobolka Awdal sidii haboonayd ee la doonayey looma adeegsan, oo Xukuumaddu umay adeegsan, waxa wacnayd in la adeegsado oo ay hawsha galaan Salaadiin, Madax dhaqameed iyo Wax-garad, in marka intaas loo diro oo Suldaanka la afgaran waayo in markaas Ciidan llagu dayo ayey ahayd, balse markiiba Xukuumaddu waxa ay adeegsatay in Ciidanka, waana caado lagu yaqaano in Ciidan adeegsato marka meeli wax yar ka dhaco, waxaana hore aanu u ogeyn inay Ciidan u adeegsatay Saax-dheer, Taleex iyo Xiin-galool, waxaana hubaal ah in sababta Ciidanka ay u adeegsanayso ay tahay in Doorashada dib ay u dhigto”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa Jamaal Jaamac Xaamud ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxa kale oo aan ku baaqaya in la damiyo Shaqaaqada ka dhacday Magaalada Ceerigaabo, ee ku dhex martay Laba Beelood oo walaalo ah, oo Nin ku dhintay, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa in Ninkaas dhintay inuu u naxariisto, samir iyo imaana ka siiyo, dadkii iyo ehelkii uu ka baxay, dhaawaxana uu caafimaad sareecana siiyo, waxaan kale oo aan labada beelood ugu baaqaya inay is dajinyaan, oo dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhashee inay xaalada hoos u dhigaan”.