Xoghayaha Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Sharaxanyahay Kursiga Madaxweyne-xigeenka

0
611

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane  (Cabdilaahi Dheere) oo maalmo ka hor shaaciyey inuu u taagan yahay xilka musharaxa Madaxweyne ku xigeen, ee Xisbiga Kulmiye, ayaa  Munaasibad balaadhan oo uu shalay ku qabtay Safaari Hotel ayaa si rasmiya mar kale u shaaciyey inuu yahay Musharax Madaxwyne ku xigeen.

Munaasibadii shaacin Musharaxnimada ee xilka Madaxweyne ku xigeen ayaa waxa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida, Madax dhaqameed, Salaadiin, Haween iyo marti sharaf aad u tiro badan,

Boqor Raabi oo isagu ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland oo munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey musharaxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xoghayaha Guurtida, waxaanu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu xilkaas qabto, kana soo bixi karo xilkiisa.

Dhanka kale Wasiirki hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Prof: Ismaaciil Aareeye, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay aqoonta uu u leeyahay Xoghayaha Guurtida Cabdilaahi Dheere, waxaanu sheegay inuu yahay masuul u qalma xilka Madaxweyne ku xigeen, isla markaana ay wakhtigani tahay wakhtigii la dooran lahaa. Dhinaca kale waxa iyana munaasibadaas ka hadlay Masuuliyiin tiro badan oo iskugu jira Aqoonyahano, Xildhibaano, Haween iyo  Masuuliyiin ka tirsan Golaha Dhexe ee kulmiye, waxayna dhammaantood dadkaasi sheegeen in Cabdilaahi Ibraahim Hanbe (Cabdilaahi Dheere), uu u qalmo xilka musharaxnimo ee Madaxweyne, waxayna tilmaameen inuu taariikh wanaagsan ku leeyahay Somaliland, kana soo qayb qaatay daminta  iyo soo afjarida caloodihii iyo dagaaladii sukeeye, ee dhexmaray beelo ka tirsan Somaliland, waxayna ay sheegeen in tan iyo markii dalka lagu soo noqday inuu wuxuun maamulayey,  isla markaana uu Xoghayaha Guurtida uu ahaa, cid kaga haboona aanay jirin xilkan Madaxweyne ku xigeen,waxa kale oo ay sheegeen inuu yahay masuul, aqoonyahan iyo Nin u qalma xilkan

Ugu dambayntii waxa Munaasibadaas ka hadlay  Xoghayaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa waxa sheegay in cid ka xigta ama cid ka sheegaysa inuu isa soo sharaxo, aanay jirin, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu han yeesho oo uu isa sharaxo, waxaanu tilmaamayinuu xilkan iyo xitaa xilka Madaxweyne uu qaban karo, waxaanu Golaha Dhexe ee Kulmiye ugu baaqay inay isaga doortaan, una dooraan in Xisbiga Kulmiye uu u matalo Xilka Musharaxnimada Madaxweyne