Xoghayaha Fulinta D. Hoose Ee Caasimadda Oo La Magacaabay

0
564

22222Hargeysa(Geeska) -Wasiirka arrimaha gudaha somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa waxa uu xoghayaha dawlada hoose ee caasimada hargeysa u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi, isla markaana waxa uu ka dalbaday inuu xilkaasi loo magacaabay si hufan u qabto.

Sidaa waxa uu Cali-Warancade ku sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay oo uu maanta soo saaray,kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu u dhignaa

 “waxaan idinla socodsiinayaa in ibraahim axmed raabi liibaan loo soo magacaabay xoghayaha fulinta dawlada hoose laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 10/3/2015. Guddoomiyaha golaha deegaanka waxa la farayaa inuu xilka u kala wareejiyo xoghayah cusub ee loo soo magacaabay iyo xoghayihii hore ee dawlada hoose,isla markaana waxa la farayaa xoghaya cusub in uu xilka loo soo magacaabay si hufan u guto” Magacaabista xoghayaha cusub ee dawlada hoose caasimada Hargeysa oo mudooyinkii ugu dambaysay la hadal hayey ayaa timi markii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u  magacaabay xoghayihii hore ee fulinta ee dawlada hoose ee hargeysa mowliid waris cabdilaahi in uu noqdo agaasimaha guud ee wasaaradda warshadaha somaliland.