Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Waddani Oo Is Casilay

0
691

Picture6Picture3Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Waddani Md. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xisbigaas Waddani.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo faahfaahiyay sababaha is casilaadiisa, haddana warar soo baxay ayaa sheegaya in xoghayuhu shalay guddoomiyaha xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyay dhambaal uu ku cadeeyay inuu is casilay, waxaana la sheegay inuu qoraalkiisa ku sheegay inuu doonayo inuu fuliyo arrimo u gaar ah oo uu doonayo inuu siyaasadda uga madaxbanaanaado. Mr. Fadal ayaa tan iyo markii xisbiga Waddani la aasaasay wuxuu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Waddani, waxaanu inta badan si adag u naqdiyi jiray siyaasadda dibadda ee xukuumadda Somaliland.