Hargeysa(Geeska)-Doorashada madaxtooyada Somaliland, oo ay ahayd inay qabsoonti March 2017, balse ay xisbiyadu isku maandhaafsanaayeen ayaa la go’aamiyay in dib loo dhigo ilaa bisha Oktoobar ee sannadkan.
Wada hadal saacado qaatay oo ka dhacay madaxtooyada oo uu Madaxweyne Siilaanyo goob joog ahaa ka dib, waxa ay Madaxweyne Siilaanyo, madaxda xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku, saxaafadda wada jir ugu sheegeen in la go’aamiyay dib u dhigista doorashada iyo weliba sidoo kale israacinta labada doorasho ee deegaanka iyo wakiilada.
Murashixiinta saddexda xisbi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan iyo go’aankani yahay mid farxad gelinaya shacabka Somaliland, waxaanay golaha guurtida ka codsadeen inay ku eekaadaan mudadaas la isku raacay oo ah 6 bilood iyo 10 maalmood.
Heshiiska saddexda xisbi ayaa wuxuu u qornaa sidan “Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:
1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.”