Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo dhaweeyey taageerada iyo iskaashiga ay beesha caalamku la leedahay Somaliland, waxaana ay sheegeen in ay ka soo hor-jeedaan takoorid ay sheegeen in Somaliland laga takoorayo beesha caalamka Somaliland iyaga oo sida oo kalena sharci darro ku tilmaamay go’aankii ka soo yeedhay golaha Guurtida Somaliland, waxaana ay tibaaxeen in aqalka Guurtidu aanay ixtiraamin go’aankii soo jeedinta komishanka doorashooyinka Somaliland.
Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeesan yahay guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee xisbiga Waddani, waxaana uu u dhignaa sida tan:
REF/XIS/WAD/XDH/2229/2015 Tariikh:15 May,2015
Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa Tageerada Iyo is-kaashiga Ay BeeshaCaalamku La Leedahay Somaliland
Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhaweynayaa tageerada beesha caalamka ee dhinacyada badaneekala ah.
1.Taageerada Iyo Is-KaashigaDhinacAmniga
2. Taageeradadhinaca horumark3.Taageeradadhinacashaqo-abuurka
4.Taageerada dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo doorashooyin xor oo xalaal ah kuna dhaca xiligoodii.
Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay in dawga keliya ee loo mari karo hiigsiga shacabka Somaliland ee aqoonsigu uu yahay la-macaamilka iskaashiga hufan iyo xidhiidhka suubban ee lala yeesho beesha Caalamka, xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa takooridda Somaliland laga takoorayo beesha Caalamka.
Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhayaweynayaa dedaalka iyo fududaynta ay Beesha Caalamku ku hollinayso in xiisadaha iyo muranada siyaasadeed ee oogan lagu maareeyo wada-hadal, xiisada siyaasadeed ee taagani waa mid ka dhalatay muddo-kordhintii golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo golaha Wakiilada ee dhammayd 21ka bilood, taas oo xilliga doorashooyinka u riixdayMaaj 2017.
Golaha Guurtidu wuxuu dhegaha kafuraystay talo-bixintii xisbiyada mucaaradka ah iyo dareemmadii dadweynuhu ku taageereen soo–jeedintii guddiga doorashooyinka Qaranku ku cayimeen maalinta ay qaban karayaan doorashooyinka oo ku suntan 1June 2016ka, xisbiga WADDANI ma arko kumana qanacsana in loo bahanyahay 10bilood oo lagu kordhiyo muddada farsamo ee sanadka ah ee ay Guddida Doorashooyin ku cayimeen.
Xisbiga WADDANI wuxuuaad u danaynayaawada-hadallada iyo gogosha uu ku baaqay Madaxweyne ku-xigeenku,waxaanu Xisbigu Oggol yahay in laga wada-haddllo xiliga doorashada la qabanaayo iyo muddo-kordhintii golaha Guurtidu jideeyay.
Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato dedaal kasta oo lagu raadinayo samaha iyo horumarka Somaliland, Xisbiga WADDANI wuxuu qadarin doonaa baaqii beesha Caalamka ee 13 May-2015 iyo wada-haddalladii dhexmaray Wakiilka EU-da iyo dhammaan daneeyayaa shadoorashooyinka ee Somaliland 11-13 May 2015ka,ugu dambayntiiXisbiga WADDANI wuxuuAad u qaddarinayaataageeradaaniyad-samida
ah oosaamayntogankuleh geeddi –socodkadimuqraadiyadeedee Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).