Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay inuu dalku uu ka sii leexanayo dhabadii dimuqraadiyada isla markaasna xukuumada madaxweyne Biixi aanay u diyaar ahayn in ay doorashooyin dalka ka qabsoomaan.
Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in labada sanadood ee xukuumadani ay joogtay laga sii leexanaayay arimaha doorashooyinka xukuumaduna ay dhabo kale marayso, sida oo kale xisbigu waxa uu xukuumada ku eedeeyay in aanay gaancsatada ku kaantaroolayn qiimaha maciishada oo aad u sareeya iyo qiimaha lacagta doolarka oo hoos u dhac ku yimi. Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbigaas waxa uu kaga hadlay arimahan iyo guud ahaan dhibaatooyinka shacbiga ka haysta nolashii dalka.
Ugu horayntii waxa uu afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac uu hadakiisa ku bilaabay“ Inaga oo bihii khayrka badnaa ku jirna oo bishii ramadaana ay soo galayso dhinicii muwaadiniinta la daryeeli lahaa ee hoos loo dhigi lahaa maciishada inay waxiiba meesha ka baxayaan, waxa muuqata masuuliyad daro weyn oo ay ku eedaysantahay wasaarada maaliyadu oo ay ku eedaysantahay wasaarada ganacsigu oo ay ku eedaysan yihiin ganacsatada dalku,”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Waxaanu ugu baaqaynaa madaxweynaha iyo xukuumadiisaba masuuliyadu waa shay aad u culus,maanta alle waa uu kugu arkayaa maalinta qiyaamahana waa uu ku waydiinayaa, umaddan maanta adigaa ka masuul ah adiga ayaa u madaxweyne ah waxii taariikh wanaagsan ee aad qabataana way kuu suntan tahay waxii aad khaladaana way kuu suntantahay, allahaaga masuuliyada kaga baq oo kow cidaad xilka ugu dhiibtay ee masuulka ka ah maciishadu hoos umadda haw eegto, laba adiguna mudnaan iska saar maadaama oo ay bilo khayr leh aynu galayno oo ramadaan ah inay barteedii iyo meel ka hoosaysa ay tagto, wax la aqbali karaayo maaha muwaadin aan dawlada biyo ku qabin oo aan gaadiid iyo wado ku qabin in hadana waxii uu cunaayay iyo hungurigiisii ay soo gasho.”
Xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay doorashooyinka dalka oo uu sheegay in jidkoodii laga leexday“ Waxa muuqata in rajadii doorashada laga qabay ay meesha ka sii baxayso oo dalku uu nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn uu galay goobta aanu doorashada ka taaganahay anagu diyaar ayaanu u nahay,waxaanu istaagnay ka xisbi ahaan dalka doorashadii 2017 ka dhacday inaan wadadaas ka marno madaxtinimadii,madaxweynenimadii,milatarigii iyo maamulkiiba in Muuse Biixi lagu wareejiyo oo uu madaxweyne ku noqdo,waxaanu isku haynaa hadii intaas aanu kaaga hadhnay xisbigii Waddani aanu nahay si dalka ay doorasho uga dhacdo oo baarlamankaas labaatanka sano fadhiya meesha u dhaafaan oo dimuqraadiyadii ay Somaliland dunida ka iibinaysay mar labaad loo arko dadka inoo xaqsooraya ee Komishankii ah aan qaybsano tiina madaxweyne Muuse Biixi, Xukuumadiisa iyo xisbgiisuba way diideen dunida iyo deeq bixiyayaashuna way ogyihiin dadka iyo dalkuna taas ha ogaadaan in aanay dawladani doorasho diyaar u ahayn.”
Ugu danbayntii waxa uu afhayeenku madaxweynaha ku dhaliilay madaxtooyada cusub ee la dhisaayo iyo dadka sheegay inay dhulkaas leeyihiin“ dad muwaadiniin ah ayaa cabanaayay waxay ka hadlayeen madaxtooyo waraaqo sharci ah ay ku sheegteen inay iyagu leeyihiin oo galbeedka magaalada Hargeysa laga dhisaayo, arinta madaxtooyada in guri la dhiso in cisbitaalka Hargeysa la dhiso ayaa anaga nooga qiimo badan in madaxweynuu uu taariikh fiican ka tago oo inta uu xilka hayo wax lagu xasuusto oo xiska aadamaha gala ay dhacaan anaga ayaa jecel madaxweyne waxaan ku leeyahay sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweynaha iman suuqa waxa hore ugu jirtay inaad beero dad isku haysateen 20 sanadood adiga oo laba sano madaxweyne ahna mar labaad qolo ayay beer isku haystaan ayaa la leeyahay haybada iyo sharafta dawladnimo uma qurux badana,xasaanada afarta milayan ee Somaliland aad ku matalayso uma qurux badna arintaas madaxweyne hoos u eeg oo yaanay dhiiladeedu mar danbe soo bixin oo hadaad qaranka qurxinayso inuu dhankaaga tanaasul ka yimaado way qurux badantay, si qarankani uu u taabo galo oo madaxtinimadaada iyo hogaaminteeda iyo haybadeedu ay u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexada haybada qaranimada ku ah inaad ka dheeraato taladaasna xisbi ahaan waanu kuu soo jeedinaynaa, si aan roob u helno oo naxariis eebe ay inuugu da’do si dalku inuugu qurux bato waxa lagaa rabaa waa cadaalad waxa lagaa rabaa waa hogaamin wanaagsan, waxa lagaa rabaa inaad dal iyo dadba hoos u eegto.”