Xisbiga UCID Oo Xalay Soo Saaray War-murtiyeed Cusub

0
467

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, ayaa qaadacay heshiis ay shalay saxeexeen Labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye, kaasi oo salka ku hayey muddo kordhin sanad iyo badh ah oo loo samaynaayey xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana ay sheegeen in cadaynayaan in aanay waxba iska bedelin mawqifkii qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada ee Kowda bisha Juun 2016ka, kaas oo ahaa heshiiskii ay sida wada-jirka ah u gaadheen saddexda xisbi qaran, Komishanka doorashooyinka iyo beesha Caalamkuba.

Xisbiga Ucid, ayaa hadalkan ku sheegay war-murtiyeed ay soo saareen oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka saddexaad Muj.Cali Gurey, waxaana uu u dhignaa sida tan.

Ujeedo:WAR-MURTIYEED XISBIGA UCID

Xisbiga UCID wuxu halkan ku cadaynayaa in aanu waxba ka bedelin mawqifkiisii ku wajahnaa qabashada Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo wakiillada ee 1da

Bisha June 20 2016ka sidii hore ay isula Ogolaadeen Komishanka Doorashada iyo sedexda xisbi Qaran Madaxwaynaha iyo qaadhaan bixiyayaashuna ay kula waafaqeen oo aanu u aragno inuu yahay wakhtiga ugu horeeya ee suurtogalka ah.

Wada tashigii ay gudida guurtida ka socotay ay sida gaar gaarka ah ula yeelatay xisbiyada Qaranka, mawqifka xisbiga UCID waxa si cad oo aan madmadow lahayn u qeexay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isaga oo weliba si faahfaahsan uga xog waramay duruufaha adag ee ku xeeran iyo aragtida dhinaca bulashada Caalamka.

Hadaba doodihii iyo shir doceedyadii ay yeesheen xisbiyada qaranku maaha in si qaldan loo tarjunto oo loo fasiro in Xisbiga UCID uu ka noqday heshiiska loo wada dhan yahay ee taariikhda qabashada labada doorasho ee 1da Bisha June 2016. Ujeedada ugu muhiimsanyd ee keentay kulamadan dambe waxay ahayd markii ay xisbiyadda Qaranku is tusuyeen in xubno guurtida ahi ay wadaan muddo kordhin ka badan laba sanadood. Si taa loo hor joogsado waxay ugu dambaystii sedexda xisbi ku heshiiyeen in si muddo kordhinta Guurtidii wadaa aanay u noqon mid dabo furan oo noqon karta intay doonto loo asteeyo xad aanay dhaafi karin oo ah muddo shan bilood iyo badh oo sedexda xisbiba isla Ogolaadeen

Hase yeeshee waxa nasiib darro ah in Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu saxeexin wixii LAGU heshiiyay ee qof ahaan iyo xisbi ahaanba uu qaybta ka ahaa, iyada oo ilaa hadda aanaan xisbi ahaan gaaranayn sababta Gudoomiye C/raxmaan Ciro uu uga Baxay Heshiiskaa, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wixii ka yimaada baritoole Golaha guurtidana uu gudoomiyaha WADDANI masuul ka yahay,Maadaama uu ka baxay Heshiiskii iyo Go,aankii dabarka u ahaan lahaa Guurtidda hamuunta u qabta Mudo Kordhinta Sharci-darada ah

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga UCID

Md: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)