Xisbiga UCID Oo Xalay Qaabilay Dhallinyaro Jaamacadaha Ka Tirsan Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray

0
552

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Xaflad balaadhan u sameeyey qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha oo ku soo biiray.

Munaasibadan uu Xisbiga UCID u qabtay Ardayda Jaamacadaha ee ku soo biiray oo xalay ka dhacday Amasador Hotel ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Xisibga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen, Musharax Madaxweyne Xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, Ardayda Jaamacadaha iyo Taageerayaal aad u tirio badan.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu Munaasibaas ka hadlay ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda taladda dalka haysa, waxaanu ku dhaliilay inay Xukuumaddani ka cago jiidayso inay Doorasho ka dhacdo, dalka, oo ay doonayso in wakhtigii doorashada loogu talagalay ay dib uga rido, waxaanu sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu Baddaha dalka si sharci daro ah ugu fasaxday Markabo ka kalluumaysta, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Xisbiga Kulmiye markii uu ahaa mucaaradka 2008, ee uu ku shiray City Plasa Hotel ee Magaalada Burco, waxa uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), yidhi tijaabiya Xisbigan, markaas Maanta halkaas ayaanu taaganahay oo waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye waa la arkay, oo waa la tijaabiyey ee anaga ha lana arko, oo ha la doorto, markaas haddii aanu qaban weyno waxa la noo doortay la hala badalo, inkasta oo Xukuumaddani ay ka cago jiidayso Doorasho inay dalka ka dhacdo”.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Siddeed Markab ayaa Xukuumaddan si sharci daro ah ugu fasaxaday inay ka kalluumaystaan Baddaha, oo Kalluunkeena si aan sharci ahayn loo xaalufiyo, waxa kale oo meesha ka baxay eraygii Ictiraaf, oo waxa ugu dambaysa in Ictiraafka Somaliland la soo hadal qaado, Maalintii ay Xukuumaddani wada hadalada Somaliya la furtay, Shan jeer ayey sii socotay, oo ay lahayd wada hadalo ayaanu Somaliya la galaynaa, wada hadalaadaasi wey fashilmeen, oo waxa ay noqdeen qaar madhalaysa ah, waxa taas ka sii daran in Tuug loo baahnaa in la xidho, inuu soo abaabulo Dhalinyaro, oo uu Hudheel u kireeyo lacagna uu siiyo inuu ku yidhaahdo Shahaado Sharaf I gudoonsiiya”.

Dhinca kale Musharaxaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Ardayda Jaamacadaha ee ku soo biiray, waxaanu balanqaaday inay mar walba laaba furan ku qaabilayaan Ardayda iyo Dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu ka codsaday guud ahaan dhalinyarada iyo bulshada reer Somaliland codkooda ugu hiiliyaan XIsbiga UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Dhalinyarada iyo Ardayda Jaamaacadaha Dalka, waxaanu Bulshada ugu baaqay inay aad ugu dheeraadan Qabyaalada.

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Ardaydii Jaamacadaha ee ku soo biiray iyo Madaxd badan oo ka tirsan Xisbiga UCID, waxaanay ardayda jaamacaduhu balan qaadeen inay taageero la garab istaagi doonaan xisbiga UCID.