Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Agab Caafimaad Ah Ku Wareejiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

0
554

Hargeysa (Geeska )- Xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa deeq agab caafimaad ah oo ka mid ah kuwa baahiyaha gaar ah loo qabo ku wareejiyye cusbitaalka Guud ee caasimadda Hargeysa.

1

Qalabkan oo ka kooban gaadiidka lagu riixo bukaanka ama naafada, kuraasta loo isticmaalo fadhiga dadka aan kici karayn, usha dadka taageerada u baahani ku socdaan iyo noocyo kale oo qalabyada hoose ee cusbitaallada ka mid ah, kuwaas dalka ay dalka ay soo gaadhsiiyeen Laanta xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee waddanka Ingiriiska oo kaashaday hay’ad mucaawanooyinka bixisa oo la yidhaa African Appeal, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey madaxda cusbitaalka Guud ee Hargeysa maanta.

Xaflad kooban oo lagula wareegay qalabka oo lagu qabtay gudaha cusbitaalka guud, wax aka qaybgalay Guddoomiyeyaasha koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Wasiirka Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, Ggaasimaha Cusbitaalka Hargeysa iyo saraakiil ka socotay Laanta xisbiga KULMIYE ee Bristol oo iyagu siday agabkan.

Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee Laanta Bristol Mr. Naasir Ibraahim Suufi Jibriil oo faahfaahin ka bixiyey qalabkan caafimaad, ayaa sheegay in aanay mucaawanadani ahayn mid intan uun ku koobnaan doonta, balse ay noqon doonto mid socon doonta, waxaannu yidhi, “Barnaamijkani waa mid soconaya oo aan intan oo keliya ku ekaan doonin, waxaannu isugu jiraa taakulayn caafimaad iyo mid waxbarasho, marar dambena waxaad Insha Allah arki doontaan annaga oo agab kale bixinayna.”

Sidoo kale, Mustafe Xaaji Cismaan oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa xusay inay wadaan dadaal ay ku doonayaan sidii ay dalkooda u soo gaadhsiin lahaayeen wax kastoo baahida taala wax ka tari kar, isla markaana ay sii wadi doonaan tallaabadan ay qaadeen.

Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo isagu guddoomay qalabkan, ayaa si wayn ugu mahadceliyey xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Laantiisa Bristol ee ka soo shaqaysay sidii agabkan caafimaad u keeni laayeen, waxaannu tilmaamay baahida ay u qabeen qalabkan iyo siday u isticmaalayaan, waxaannu yidhi, “Agabkani waxa uu u badan yahay kuraasida dadka lagu riixo iyo agabka kale ee qofka tamartiisu yaraataa uu cuskado, qolada African Appeal iyo Laanta Bristol ee xisbiga KULMIYE-na way ila soo xidhiidheen, waanuna ka wadatashanay nooca baahidayada oo waxaan u sheegay inaanu baahi badan u qabno agabka noocan ah, qalabanna waxaanu ugu talogalnay mid loogu adeegi doono cusbitaalka gudihiisa, aad iyo aadna waan uga mahadnaqayaa qolada agabkan inoogu deeqday iyo xisbiga KULMIYE-ba, waxaanan rajaynayaa in daboollida baahida cusbitaalka aynu iska wada kaashan doono.”

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo isna madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey tallaabadan masuuliyiinta xisbiga KULMIYE Laantiisa Bristol hirgeliyeen, waxaannu ugu baaqay qurba-joogga kale ee dibadaha ku sugan in qof iyo koox waliba waxay dalkooda u qaban karayaan ku dadaalaan.

Ugu dambayntiin, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axme, ayaa uga mahadnaqay laanta xisbiga ee Bristol dadaalka ay sameeyeen, isaga oo xusay in KULMIYE iyo xukuumaddiisu heeggan ugu jiraan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadku ka mid yahay,“Sharaf weyn bay noo tahay in qalabkan caafimaadka iyo mid waxbarashoba laanta UK ee xisbiga KULMIYE ay ku caawinayaan dalkooda, aadna waan u bogaadinayaa laamaha KULMIYE ee UK iyo Maraykankuba sida fiican ee ay uga qayb qaataan barnaamijyada horumarka, waxaanay qayb weyn ka qaataan barnaamijka abaaraha iyaga oo samaystay gole la yidhaahdo Golaha Guusha KULMIYE oo Yurub iyo Maraykan oo dhan ka kooban, dalka gudihiisana ay qaar kaga jiraan oo deeqo gaadhsiiyey guddiga abaaraha, dadkeenana waxaan ku bogaadinayaa inay is gargaaraan,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale, masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan madaxdii kale ee goobtaasi ku sugnaa, waxay kormeereen goobo kala duwan oo ka mid ah cusbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Waaxda Korontada Cusbitaalka oo lagu qalabeeyey mishiinno casri ah, qaybta siffaynta kelyaha, Waadhka Carruurta lagula tacaalo iyo Waadh aad u ballaadhan oo loo dhisayo qaybta gargaarka degdega ee cusbitaalka.

Waxa kale oo hoggaanka KULMIYE booqasho ugu tageen xubno haldoorka bulshada Somaliland ah oo yaal cusbitaalka guud ee Hargeysa oo ay ka mid yihiin saxafiga ruug-caddaaga ah ee Xasan Maxamed Yuusuf iyo fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xannuuno la soo darseen, kuwaas oo xog-ogaal u noqdeen xaaladda ay xilligan ku sugan yihiin, waxaanna Alle uga baryeen inuu caafimaad buuxa oo degdeg ah siiyo.