Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa ku dhawaaqay in 23 bisha fooda inagu soo haysa uu xisbiga Kulmiye qabsan doono shirweynii golaha dhexe ee xisbiga oo lagu qaban doono magaalada Boorama.
Waxa uu xoghayuhu uu ugu baaqay xubanaha xisbigaas inay u diyaar garoobaan fadhigaas golaha dhexe waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi ” Waxaanu maanta baahinaynaa kal fadhigii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaanu baahinaynaa in shirkaas la qaban doono 23 bisha labaad uu ka furmaayo magaalada Boorama, ilaa 24-ka bishaas ayuuna socon doonaa, waa kalfadhigii lixaad ee golaha dhexe yeesho waxaanu isugu yeedhaynaa oo aanu baaq u diraynaa xubnaa golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan inay shirkaas ka soo qaybgalaan, tobanka bisha soo socotana xarunta ayaanu ka bilaabi doonaa kaadh qaadashadii”