Xirsi Oo Damaanad Qaaday Inaanu Madaxweyne Siilaanyo Dhaliili Doonin

0
794

 Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii madaxtooyada ee is casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa balan qaaday inaanu marna soo bandhigi doonin dhaliil uu leeyahay madaxweyne Silaanyo, waxaanu saaxiibadiisa ay is wada casileen ugu baaqay inaanu carrabku kaga fakan Madaxweyne Siilaanyo.

Xirsi oo shalay hadal ka jeediyay madal ay saddexda murashax ee Samaale, Kijaandhe iyo Maxamed Biixi iyo wasiiradii is casileen kaga dhawaaqeen inay qaadaceen guddiga uu madaxweynuhu KULMIYE u magacaabay ayaa sidoo kale ka dayriyay xaaladda uu KULMIYE ku suganyahay. Ugu horayn wuxuu yidhi Xirsi, “Waxaanu xilka uga tagnay inaanu xisbinimada qiimayno oo aanaan qiimayn qolo-qolada, waxa qiimo nala leh qaranimada, ee qolo qoladu qiimo nalama laha  waxa qiimo nalama leh xisbinimada ee koox-kooxdu qiimo lanama leh.”

Wasiir Xirsi wuxuu sheegay inuu isu casilay aragtidiisa siyaasiga ah balse aanu xilka kaga tagin dhibaato kale oo loo gaystya, waxaanu isagoo ka hadlaya madaxweynaha uu yidhi “Waxaan qaatay go’aankaas dariiqaas uu ku socdo mustaqbalkii xisbiga iyo dalku oo ah inuu qaybsamo xisbigii inaan diido oo idhaahdo suurtogal maaha, inaan aragtidayda ka jawaabo, xaasha hunguri ugama tagin, dhibaato kale oo loo gaystayna ugama tagin, madaxweynahaygu xumaan uu igu sameeyayna ugama tagin, madaxweynaha waan soo wada shaqaynay, lagama yaabo inaan asraar uu leeyahay idhaahdo, lagama yaabo inaan xaijiimeeyo, saaxiibaday waxaan leeyahay madaxweynuhu waa madaxweynihii aynu la soo shaqaynaynay mana ogoli in wax la yeelo ee saaxiibaday waxaan leeyahay carrabku yaanu madaxweynaha idinkaga baxsanin.” ayuu yidhi Xirsi, waxaanu intaas raaciyay “Madaxweynaha iyo saaxiibada xukuumadda jooga isma hayno, laakiin aragtida siyaasiga ah ayaanu ku kala duwanahay, aragtida siyaasiga ah ee aanu ku kala duwanahay ayaan xilkayagii uga tagnay imikana aanu ku hadlayno wadaynaana oo aanaan u joojinayn. Suuqa waxaan ka maqlayay qaar yidhaahda madaxweynihii ayuu cidlo kaga tagay, waar madaxweynuhu dawladna wuu haystaa ragna  wuula joogaaye raggaasna ha caayina madaxweynahana ha caayina.”

Isagoo ka hadlaya hoggaanka xisbiga KULMIYE, wuxuu Xirsi yidhi “Ninka xukumaddii uu xisbiga u ahaa badh ka tagay,ee kuxigeennadiisii ka tageen ee kuxigeennadii baarlamaanku halkan fadhiyaan, ee guddidii fulinta badankeedii ka tageen, ee musharaxiintii la tartamaysay halkan fadhiyaan ee golihii dhexe ka tageen ee wali leh waxba inagama qasna ee inoo wada bal bari aynu taariikhda eegno,”  waxaanu intaas ku daray “Waxaan leeyahay xisbigii KULMIYE ee aan wada lahayn guuldarada halaga daayo.” Ugu dambayn wuxuu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi la wada leeyahay oo loo baahanyahay in laga shaqeeyo sidii aanu u fashilmi lahayn.