Xildhibaano Wakiilada Ah Oo Dhaliilay Cabdiraxmaan-Cirro

0
493

wakiiladaHargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, gaar ahaana Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa dhaliilo u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, waxayna sheegeen kuna dhaliileen inuu yidhi muddo kordhintu waa xaaran iyo sharci daro, waxayna ugu baaqeen in haddii ay muddo kordhintu xaaran tahay inuu is casilo.  

Xildhibaanada oo Shalay warbaahinta la hadlaayey ayaa ugu horeyn Xildhibaan  Axmed Maxamed (Nacnac), uu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxa aanu leenahay Guddoomiyaha iyo Nimanka kale ee Waddani, ee Golaha ku sheegay  xaaran, Goluhu xaaran maaha ee haddii ay idinka xaaran idinku tahay naga taga, oo is casila, oo haddii ay xaaran tahay ha nala diloobina, oo anagu aanu fadhiisana, ee ALLE ha idin barkeeye naga taga, waxaana leeynahay waa xalaal, xalaalna waxa ay ku tahay Toban Sanno ayey Guurtidu noo jadiidinaysay, maxa toodiina xalaal ka dhigay, tayadiina xaaran, anagu waanu is hubnaa oo bari haddii Doorashada la keeno ahlan wasahlan ayaanu leenahay, Guurtidu waxa ay soo saartay waa sharci waana dastuuriyan, Komishanka anaga ayaa ansixinay, waxa aanu leenahay qolada Waddani ee leh waa xaaran ha na dhaafan”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo isna ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilad, gaar ahaana ah Xisbiga Kulmiye ayaa isna dhankiisa ka yidhi “Guurtidu shan goor ayey maraysaa inta ay kordhiyeen, haddii ay Doorashada dib u dhac ku yimaado, oo wakhtigeedii la qaban waayo, Guurtida ayaa kordhisa waana dastuuri, waligeedna sidaas ayey ahayd, qofkii yidhaahda waa xaaran waxa fiican inuu yidhaahdo waa xaaran oo ma fadhiyayo, laakiin meeshana waan idinla fadhiyayaa waana xaaran ma suurtagalayso, si kastaba ha ahaate go’aankaas Guurtidu waa Dastuuri”.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka ee Kulmiye ayaa isna dhankiisa ka difaacay muddo kordhinta kula tilmaamay mid sharciya. “Muddo kordhinta waxa iska leh, oo xaq u leh oo sharcigu siiyey Guurtida, cid ka hor iman kartaana ma jirto, heshiiskaas Saddexda Xisbina mid sax ah maaha, waxay ay ku heshiiyeena waa been, Golaha Guurtidana lama dhaafi karo, haddii la dhaafana Guurtida ayaa la baabiyaa, heshiiska Madaxweyne ha saxeexo, ama yaanu saxeexin muddo kordhinta Guurtida ayaa ka muhiimsan, waxaana ku baaqaya in muddadaas Guurtidu kordhisay ha la isku diyaariyo, oo Xisbiyadu may qabsan Shirweynihii Golaha dhexe ee qabsada ayaan leeyahay” ayuu yidhi.

Dhanka kale Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo isagu ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, gaar ahaan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay dhaliilahan, difaacayna Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu yidhi “Waxa aanu ku fadhinaa haddii aanu nahay qolada Waddani, qodob Dastuuriya, oo ah Barlamaan la soo doortay ayaa na bedeli kara, waana Dastuuri, Guurtina shaqo kuma leh, waxa aanu leenahay muddo kordhinta Guurtida iyo qodobada ay wax ku kordhisanaa meesha may iman, qodobadii ay Komishanku keeneen, oo ah hab sharci oo dhiman awgeed ayaa korodhsiimada keentay, waxaana ku fadhinaa ilaa Guddoomiyaha qodob dastuuriya, oo waxa na bedeli kara Gole Wakiilo oo la doortay, Guurtiduna qodobada farsamada ee ay Komishanku sheegeen ayey raaceen, dib u dhacana waxa keenay Xukuumadda, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), muddo kordhinta marnaba raali kamuu ahayn, waanu ka soo horjeeday, haddana uu ka soo horjeeda”.